4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Kampala ee dalka Uganda (SAWIRRO)


Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarya magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaddib casuumaad ay ka heleen guddoonka baarlamaanka dalkaas.

Wafdiga uu hoggaaminayo Jawaari ayaa maanta duhurnimadii ka dagay garoonka diyaaradaha Entebbe ee magaalada Kampala, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyii ka tirsan baarlamaanka Uganda.

Xubnaha wafdigan waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha joogtada ah ee baarlamaanka iyo xildhibaanno kale.

Socdaalka wafdigan ayaa waxaa saldhig u ah sidii loo mataaneyn lahaa baarlamaannada labada baarlamaan oo horay u sameysay guddiyo labada dhinac ka oo ka shaqeeya sidii ay xiriir wadashaqeyneed u yeelan lahaayeen labada baarlamaan ee Uganda iyo Soomaaliya.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo dhiggiisa Uganda, iyagoo kawada hadli doona sidii xiriir wadashaqeyn oo joogto ah ay u yeelan lahaayeen labada baarlamaan loona mataaneyn lahaa.

Booqashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdigiisu ay ku tageen dalka Uganda ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo dalkaas ay ku tagaan tan iyo markii la dhisay baarlamaanka Soomaaliya muddo haatan laga joogo hal sano.

Xildhibaanno ka socda baarlamaanka dalka Uganda ayaa horay safar noocan oo kale ah ugu yimid xarunta Soomaaliya, kuwaasoo dhowr maalmood ku sugnaa Muqdisho, kulammo kala duwanna la yeeshay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Axaddii shalay shalay ahayd ayay ahayd markii 30 ka mid ah xildhibaannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ay safar aqoon kororsi ah ugu kicitimeen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya