4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 12, 2013
Al-shabaab oo uga digtay in Dadka Muqdisho ay u Dhawaadaan Saldhigyada Ciidamada iyo xarumaha Hay'adaha gargaarka

Isniin, August 12, 2013 (HOL) — Afhayeenka howgallada ururka Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa hadal uu siiyay warbaahinta afkooda ku hadasha wuxuu uga digay shacabka Muqdisho ku nool inay u dhawaadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay leeyihiin Muqdsiho iyo weliba xarumaha hay’adaha gargaarka oo uu ka xusay kuwa UN-ka.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay dhowr jeer oo hore uga digeen inay u dhawaadaan goobahan, wuxuuna hadalkiisa ku sheegay inaysan doonayn in weerarradooda ay dhibaato kasoo gaarto shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan uga digaynaa muslimiinta ku nool Muqdisho inay u dhawaadaan saldhigyada ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo hay’adaha ajnabiga ah ay ku leeyihiin Muqdisho, si weerarrada lagu qaadayo aysan dhibaato uga soo gaarin,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Afhyeenku ma uu sheegin inay weerarro la damacsan yihiin xarumahaas iyo in kale, wuxuuse xusay inay mar walba ka fogaanayaan inay shacabku wax kasoo gaaraan dagaallada ay kula jiraan ciidamada dowladda, kuwa gacanta siinaya iyo weerarrada ay la beegsanayaan xarumaha hay’adaha gargaarka.

“Muslimiinta ku nool Muqdisho waxaan uga digaynaa in dhismayaasha ay daggan yihiin hay’adaha sida kuwa Qaramada Midoobay ee dadka gaaleeya ay u dhawadaan, waayo ma doonayno inay dhibaato kasoo gaarto weerarada aan la beegsanayno,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xarakada Al-shabaab ayaa bilhii lasoo dhaafay weerarro ismiidaamin ah la beegsaday dhismayaasha ay deggen yihiin hay’adda barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP iyo dhisme ay degenaayeen shaqaalaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku yaalla.

Inkastoo aysan digniintan ahayn tii ugu horreysya oo ay Al-shabaab bixiso ayaa haddana weerarrada ay Muqdisho ka geysanayso kooxdan waxay dhibatada ugu badan kasoo gaartaan dadka shacabka ah ee ka ag-dhow goobahaas ay weerarrada la beegsato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya