4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2013
Xildhibaanno Haween ah oo Maanta u Ambabaxay Magaalada Nairobi oo ay uga qaybgalayaan Siminnaar halkaas ka dhacaya

Axad, August 11, 2013 (HOL) — Soddon ka mid ah xildhibaannada dumarka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u dhoofay dalka Kenya si ay uga qaybgalaan siminnaar aqoon-kororsi ah oo looga hadlayo sida ay u shaqeeyaan baarlamaannada caalamka iyo sidii baarlamaanka Soomaaliya uu xiriir ula yeelan lahaa baarlamaannada kale ee caalamka.

Xildhibaannadan ayaa waxaa horkacayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay tababarrada sare loogu qaadayo aqoonta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

“Maanta waxaan u soconnaa magaalada Nairob oo aan uga qaygalayno siminnaar socon doonaa muddo toddoba maalmood ah, kaasoo ay bixinayso hay’adda NDI, laguna baranayo habka ay u shaqeeyaan baarlamaannada  caalamka,” ayuu yiri Iikar.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay in xildhibaannadan ay noqonayaa kuwii ugu tirada badnaa ee ka mid ah xildhiabannada haweenka ah ee baarlamaanka oo mar qura tababar ugu ambabaxa dalka dibaddiisa.

“Waxaan rajeynaynaa in tababarkan ay si wanaagsan uga faa’iideysan doonaan, wixii ay kasoo bartaanna ay u gudbin doonaan sagaal xildhibaan ee haweenka ah oo aan nasiibka u yeelan inay tababarkan ka qaybgalaan iyo xubnaha kale ee baarlamaanka,” ayuu Iikar mar kale yiri.

Hay’adda NDI ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka taageerta dhinaca tababarrada, waxaana tababarkan uu noqonayaa mid inta uu socdo ay kusoo bandhig doonaan xildhibaannada ka qaybqaadanaya fikaradahooda ku aaddan sida ay u arkaan wadashaqeyn dhexmarata baarlamaanka Somalia iyo kuwa calaamka.

Xildhibaannada haweenka ah ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 39 xubnood, waxaana ay inta badan ahaayeen kuwo aan ka qaybgelin siminnaarrada loo qabanayo baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya