3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Jabuuti Tababar ugu soo xiray ciidammo boolis ah; Isagoo Maantana gaaray Addis Ababa (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tababar u soo xiray ciidammo booliis ah oo tiradoodu tahay 206, kuwaasoo muddo saddex bilood ah tababar ku qaadanahay xarunta tababarka ee ciidamada booliiska Jabuuti ee Idiris Faarax Habbane.

Ciidamadan oo loo tababaray ka hortagga rabshaddaha iyo isku-dhacyada dadweynaha ayaa waxaa tababarka siinayay tababarayaal caalami ah oo ka socda dalalka Yurub, waxayna munaasabadda kusoo bandhigeen xirfadihii la baray.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlayay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu tababar u soo xiro ciidankan isagoo kula dar-daarmay inay ummadda Soomaaliyeed ugu adeegaan tababarrada ay qaateen.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa kormeeray qeybaha deegaanka ee ciidanka, isagoo mar kale uga mahadceliyay dawladda Jabuuti daryeelka ciidankan ay u fidisatay intii ay tababarka ku jireen iyo sidoo kale dawladda Talyaaniga oo iyadu bixisay dhaqaalaha ku baxay tababarka ciidamadan.

Dhan kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa dalka Jabuuti ku sugnaa laba casho ayaa gellinkii dambe maanta ka dhoofay Jabuut iyagoo gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Ra'iisal wasaaraha ayaa waxaa safarka uu ku tagay Addis Ababa ku wehlinayay, Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi, wasiirada arrimaha gudaha, Cabdikariin Xuseen Guuleed wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, wasiir-ku-xigeenka ganacsiga, Maxamed Cali Xaggaa iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka Addis Ababa kusoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Itoobiya, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi iyo xubno kale waxaana la dajiyay hoteelka Sharaton.

Ujeeddada safarka ayaa ah sidii ra'iisul wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga qaybgali lahaayeen dhismaha hay'ad loogu magac daray ra'iisal wasaarihii hore ee Itoobiya, Meles Zenawi oo lagu magacaabo (Melese Foundation), waxaana munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii.

Booqashada ra'iisul wasaaraha oo qaadan doonta muddo labo cisho ah ayaa waxaa la filayaa inuu kulammo madaxda dalka Itoobiya oo uu ugu horreeyo ra’iisul wasaaraha dalkaas, Hailamariam Desaling iyo mas'uuliyiinta IGAD.





















Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/5/2013 1:16 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux oo labadii dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Koronroge oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay.

4/5/2013 12:37 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe maanta oo Jimco ah ayaa lasoo gabagabeeyay shirkii looga tashanayay dib u habeynta garsoorka dalka, kaasoo uu khudbad ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

4/5/2013 11:56 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Golaha Deegaanka Gabiley ayaa magaaladda Arabsiyo ku casuumay dhigoodda kale ee golaha deegaanka Boorame, kuwaas oo Qaddo sharaf loogu sameeyey mid ka mid ah beeraha ay caanka ku tahay magaaladdaasi oo uu leeyahay wariyaha caanka ah ee Yoonis Cali Nuur.

4/5/2013 9:25 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Cumar Xamaami oo ah dagaalyahan u dhashay dalka Mareykanka oo ka barbar dagaalama Al-shabaab loogana yaqaan Soomaaliya, Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa shaaciyay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro Mareynka, uuna beegsan doono danaha Mareykanka uu ku leeyahay caalamka oo dhan.

4/5/2013 9:04 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlay wada-shaqaynta ururrada wadaniga ah (NGO-yada), kuwa caalamiga ah iyo wasaaradda qorshaynta Somaliland iyo shuruucda u yaalla ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraddu ay ku leedahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

4/5/2013 8:48 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Dowladda Somaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo dib loogu habeynayo nidaamka maareynta dhaqaalaha dalka, taasoo wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya ay ku howlanayd in muddo ah.

4/5/2013 8:23 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) —Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha miinada iyo walxaha qarxa Maalinta miinada awgeed oo ku beegan 4 April 2013.

4/5/2013 8:16 AM EST
Jimco, April 05, 2013—Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo uu wehliyo xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax ayaa caawa kulan aad xasaasi u ahaa, loogana hadlayey horumarka sport ga Soomaaliyeed magaalada London kula qaatay tiro ka mid ah bahwaynta sport ga ee UK.

4/5/2013 8:10 AM EST
Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in 3 qof ay ku dhinteen kadib markii bam gacmeed lala beegsaday meel dukaan ah oo ay dad wax ka iibsanayeen.

4/5/2013 7:25 AM EST
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Jimciyada quruumaha ka dhexaysa ayaa ugu baaqday Soomaaliya in la adkeeyo soo celinta haybadii garsoorka, si loo soo afjaro tacadiyada aan kala go’a lahayn ee loo gaysto haweenka .

4/5/2013 6:54 AM EST
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weheliso Marwadiisa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi ayaa maanta waxaa qado sharaf u sameeyay Ra'iisal Wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Maxamed Kaamil.