4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Iskahorimaad Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray inta u dhexeysa Daynuunaay iyo Baydhabo

Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux oo labadii dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Koronroge oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay.

Deegaankan oo 13-km dhinaca Muqdisho ka jira degmada Baydhabo ayaa dagaalka ka dhacay wuxuu qarxay markii Al-shabaab ay weerar lama filaan ah kusoo qaaday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socday Degmada Baydhabo kana soo baxay xero ku Daynuunaay ay ciidamadu ku leeyihiin.

Xoogaggii Al-shabaab ayaa la sheegay inay dagaalka kaddib goobta isaga tageen, halka ciidamadii dowladda ay gaareen degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo dagaalkan uu noqnayo kii ugu horreeyay eek a dhaca inta u dhexeysa Baydhabo iyo Daynuunaay tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhinaca lugta ku gaareen degmada Baydhabo.

Dhanka kale, waxaa degmada Baydhabo ka jira khilaaf u dhexeeyay ciidamada dowladda, kaddib markii gaari laga dhacay taliyaha qaybta milateriga ee Gobolka Bay, Col. Xaaji Cali Aadan, iyadoo gaarigaas lagu soo celiyay dadaallo badan oo ay sameeyeen malaaqyada iyo waxgaradka gobolka Bay.

 Balse Col. Xaaji Cali ayaa diiday inuu gaariga qaato, isagoo dalbaday in marka hore lasoo qabto kooxihii ka dambeeyay dhaca gaarigiisa, isagoo si gaar ah ugu eedeeyay dhacaas sarkaal kale oo lagu magacaabo Axmed Dheere.

Lama oga sida xaaladdu ay ku dambeyn doonto, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafka, iyadoo lagu arkayo gudaha Baydhabo ciidammo badan oo ku sugan, kuwaasoo u badan kuwa uu ka dhexeeyo khilaafka.

Hiiraan Online, Baydhabo.