3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Golaha Deegaanka Degmadda Gabileey oo Ccasuumay Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Awdal

Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Golaha Deegaanka Gabiley ayaa magaaladda Arabsiyo ku casuumay dhigoodda kale ee golaha deegaanka Boorame, kuwaas oo Qaddo sharaf loogu sameeyey mid ka mid ah beeraha ay caanka ku tahay magaaladdaasi oo uu leeyahay wariyaha caanka ah ee Yoonis Cali Nuur.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Mr:Yuusuf Ibraahim Geedi, Maayarka Gabiley Shuceyb Maxamed Muuse oo ay wehelinayaan xildhibaandda degmadda iyo xoghayaha dawladda Hoose ayaa si balaadhan usoo dhoweeyey weftiga uga yimid gobolka ay jaarka yihiin ee Awdal oo uu hor kacayo Maayarka  Boorame Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaabka Gobolkaasi Cabdoo Axmed Aayir, oo ay la socdaan Xoghayaha Dawladda hoose ee Degmada Boorame, xildhibaanadda degmooyinka  iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolkaasi.

Weftigan Boorame ka yimid oo ka kooban heer gobol iyo heer degmo ayaa dhigoodda kale ee gobolka Gabiley ka wada hadlay in la ilaaliyo nabadda iyo horumarinta deegaanaddoodda oo jaar ah, isla markaana soo jeediyey inay mar walba ay kullamadda sidan oo kale ah badiyaan si la iskugu soo dhowaaddo, xidhiidhkii labadda degmo lahaan jireena dib loo soo celiyo.

Maayarka Degmada Gabiley  Shucayb Maxamed ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay casuumadda ay u fidiyeen maamulka gobolka Awdal ee heer gobol iyo heer degmo, waxaanu tilmaamay inay labadda gobol ay yihiin mid ay shacabkooddu isku xidhan yihiin oo aanay marna kala maarmi karin, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo walaaltinimada labadda maamul iyo shacab ka dhexeeya.

Sidoo kale, Waxa isaguna halkaasi hadalo Soo dhaweyn ah ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi iyo Xoghayaha Dawladda hoose ee DegmadaGabiley C/raxmaan Nuur Abokor, kuwaas oo xusay inay talaabadan tahay mid iskaashi ah, isla markaana labadda gobol loo baahan yahay inay dhinacyo badan iska kaashaadaan si loo horumarinayo deegaaanadda.

Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdoo Axmed Aayir iyo Maayarka Degmada Boorame Saleebaan Xasan Xadi iyo Xoghayaha Dawladda hoose,ayaa soo dhoweynta loo sameeyey uga mahadnaqay, waxaanay sheegay in arrimahani tahay mid isku soo dhoweynaya labadda maamul oo u baahan inay wax badan iska kaashaadaan, xaga amnigana ka wada shaqeeyaan, maadaama oo labadda gobol wax badan wadaagaan.

Goleyaasha Deegaanka cusub ee labadan degmo Boorama iyo Gabiley ayaa bilaabay inay wada shaqayn dhexmarta, waxaanay hore golaha deegaanka Boorame u casuumeen dhigoodda kale ee Gabiley, kuwaas ku balamay inay iska kaashadaan dhinacyadda horumarinta iyo arrimaha bulshadda.

Talaabadan ay degmooyinka ood wadaag ahi iska kaashanayaan nabadda iyo horumarinta deegaanadooda ayaa ah mid Dadweynuhu soo dhoweeyeen, kuwaas oo ku tilmaamay inay labaddan degmo qaadeen talaabo ku dayasho mudan oo degmooyinka kale kaga dayan doonaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
4/5/2013 1:53 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tababar u soo xiray ciidammo booliis ah oo tiradoodu tahay 206, kuwaasoo muddo saddex bilood ah tababar ku qaadanahay xarunta tababarka ee ciidamada booliiska Jabuuti ee Idiris Faarax Habbane.

4/5/2013 1:16 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux oo labadii dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Koronroge oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay.

4/5/2013 12:37 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe maanta oo Jimco ah ayaa lasoo gabagabeeyay shirkii looga tashanayay dib u habeynta garsoorka dalka, kaasoo uu khudbad ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

4/5/2013 9:25 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Cumar Xamaami oo ah dagaalyahan u dhashay dalka Mareykanka oo ka barbar dagaalama Al-shabaab loogana yaqaan Soomaaliya, Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa shaaciyay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro Mareynka, uuna beegsan doono danaha Mareykanka uu ku leeyahay caalamka oo dhan.

4/5/2013 9:04 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlay wada-shaqaynta ururrada wadaniga ah (NGO-yada), kuwa caalamiga ah iyo wasaaradda qorshaynta Somaliland iyo shuruucda u yaalla ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraddu ay ku leedahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

4/5/2013 8:48 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Dowladda Somaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo dib loogu habeynayo nidaamka maareynta dhaqaalaha dalka, taasoo wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya ay ku howlanayd in muddo ah.

4/5/2013 8:23 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) —Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha miinada iyo walxaha qarxa Maalinta miinada awgeed oo ku beegan 4 April 2013.

4/5/2013 8:16 AM EST
Jimco, April 05, 2013—Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo uu wehliyo xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax ayaa caawa kulan aad xasaasi u ahaa, loogana hadlayey horumarka sport ga Soomaaliyeed magaalada London kula qaatay tiro ka mid ah bahwaynta sport ga ee UK.

4/5/2013 8:10 AM EST
Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in 3 qof ay ku dhinteen kadib markii bam gacmeed lala beegsaday meel dukaan ah oo ay dad wax ka iibsanayeen.

4/5/2013 7:25 AM EST
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Jimciyada quruumaha ka dhexaysa ayaa ugu baaqday Soomaaliya in la adkeeyo soo celinta haybadii garsoorka, si loo soo afjaro tacadiyada aan kala go’a lahayn ee loo gaysto haweenka .

4/5/2013 6:54 AM EST
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weheliso Marwadiisa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi ayaa maanta waxaa qado sharaf u sameeyay Ra'iisal Wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Maxamed Kaamil.