3/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo uga dhigay Shacabka inay walaxaha Qaraxa iyo Minooyinka ka Taxadaraan

Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) —Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha miinada iyo walxaha qarxa Maalinta miinada awgeed oo ku beegan 4 April 2013.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne ku xigeenku shacabka uga digay inay miinooyinka iyo walxaha qarxa ay soo saari karaan Daadadku, sidaa darteed haddii ay arkaan wax aanay garanayn ay la soo xidhiidhaan hay’adaha ay khuseeyaan Miinooyinka.

Sidaas waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul. “ Sidaad la socotaan maanta waa 4 th April 2013, waana maalinta miinada aduunka iyo wacyigelinteeda sidaa darteed marka hore waxaan hambalyeeynayaa dhamaan shaqaalaha miinada iyo walxaha qarxa ku howlan sifeynta miinada ee ka shaqeeye dhamaan gobolada dalka”ayuu lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

“Maanta waxaa ah wax lagu faano sida habsamida leh ee ay hawlaha wax-kaqabadka miinadda ay u socdaan kuwaas oo ay gacanta ku hayaan hay’addaha kala ah SMAC, HALO Trust, POlice EOD, NDA , DDG iyo Olive group oo iyana horkacaya shirkada shidaalka ee (Genel energy) oo runtii si xowli ah u wada hawlaha wax ka qabadka miinada iyo walxaha qarxa”ayuu yidhi madaxweynuhu, waxaanu intaas ku daray “ Siyaasada dowladda Somaliland waa in la dhiiri geliyaa wax ka qabadka miinada iyo walxaha qarxa si loogu talaabsado horumar deg-deg ah uguna dhiiradaan muwaadiniinta iyo ajaanibka daneynaya in ay maalgashadaan Somaliland”.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u digay dadweynaha inay ka feejignaadaan walxaha qarxa oo roobku soo saari karo, waxaanu yidhi “ Waxaan dhamaan bulshaweynta Somaliland uga digayaa xilgan roobabka in ay aad uga taxadiraan miinada iyo walxaha qarxa oo laga yaabo in ay soo saaraan daadku ama soo qaadaan dooxyadu iyaga oo ka soo qaadaya meel ay hore ugu aasneyd keenayana meel kale, haddii ay arkaan waxaanay garaneyn hala xidhiidhaan hay’addaha ku howlan miinada ama saldhig police halka ugu dhow”.

Sidoo kale, waxa uu ugu baaqay hay’addaha miino soo saarka in ay kordhiyaan ama laban-laabaan shaqadooda si ay usoo gaba-gaboowdo Hawlahaa miinada si loo dhiirigaliyo horumarka uu wadanku ku socdo.

Waxa kale oo uu  madaxweyne ku xigeenku sheegay inoo soo dhoweynayo cid kasta oo miinada iyo walxaha qarxa wax kala qabanaysa.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay miinooyinka lagu aasay dhulka ay khasaare u geystaan dadweynaha miyiga, waxaanay hay’adaha miino saarku ku mashquulsanayeen labaatankii sanadood ee u dambeeyey inay soo saaraan miinooyin badan, waxaana inta badan lagu tilmaamaa inay dagaaladdii u dhexeeyey dawladdii Siyaad Bare iyo jabhaddii SNM ay keentay in miinooyin badan lagu aaso Somaliland, taas oo ilaa hadda aanay fari ka qodnayn soo saarista miinaada, waxaana markasta oo roob da’o sii kordha khasaaraha nafeed iyo maaliyadeed ee ay Miinaddu keento.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland













Click here
4/5/2013 1:53 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tababar u soo xiray ciidammo booliis ah oo tiradoodu tahay 206, kuwaasoo muddo saddex bilood ah tababar ku qaadanahay xarunta tababarka ee ciidamada booliiska Jabuuti ee Idiris Faarax Habbane.

4/5/2013 1:16 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux oo labadii dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Koronroge oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay.

4/5/2013 12:37 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe maanta oo Jimco ah ayaa lasoo gabagabeeyay shirkii looga tashanayay dib u habeynta garsoorka dalka, kaasoo uu khudbad ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

4/5/2013 11:56 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Golaha Deegaanka Gabiley ayaa magaaladda Arabsiyo ku casuumay dhigoodda kale ee golaha deegaanka Boorame, kuwaas oo Qaddo sharaf loogu sameeyey mid ka mid ah beeraha ay caanka ku tahay magaaladdaasi oo uu leeyahay wariyaha caanka ah ee Yoonis Cali Nuur.

4/5/2013 9:25 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Cumar Xamaami oo ah dagaalyahan u dhashay dalka Mareykanka oo ka barbar dagaalama Al-shabaab loogana yaqaan Soomaaliya, Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa shaaciyay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro Mareynka, uuna beegsan doono danaha Mareykanka uu ku leeyahay caalamka oo dhan.

4/5/2013 9:04 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlay wada-shaqaynta ururrada wadaniga ah (NGO-yada), kuwa caalamiga ah iyo wasaaradda qorshaynta Somaliland iyo shuruucda u yaalla ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraddu ay ku leedahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

4/5/2013 8:48 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Dowladda Somaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo dib loogu habeynayo nidaamka maareynta dhaqaalaha dalka, taasoo wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya ay ku howlanayd in muddo ah.

4/5/2013 8:16 AM EST
Jimco, April 05, 2013—Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo uu wehliyo xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax ayaa caawa kulan aad xasaasi u ahaa, loogana hadlayey horumarka sport ga Soomaaliyeed magaalada London kula qaatay tiro ka mid ah bahwaynta sport ga ee UK.

4/5/2013 8:10 AM EST
Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in 3 qof ay ku dhinteen kadib markii bam gacmeed lala beegsaday meel dukaan ah oo ay dad wax ka iibsanayeen.

4/5/2013 7:25 AM EST
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Jimciyada quruumaha ka dhexaysa ayaa ugu baaqday Soomaaliya in la adkeeyo soo celinta haybadii garsoorka, si loo soo afjaro tacadiyada aan kala go’a lahayn ee loo gaysto haweenka .

4/5/2013 6:54 AM EST
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weheliso Marwadiisa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi ayaa maanta waxaa qado sharaf u sameeyay Ra'iisal Wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Maxamed Kaamil.