3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 5 , 2013
Sadex qof oo ku dhimatay weerar bambaano oo ka dhacay magaalada Garisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee Kenya
Jimco, April 05, 2013 (HOL) -Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in 3 qof ay ku dhinteen kadib markii bam gacmeed lala beegsaday meel dukaan ah oo ay dad wax ka iibsanayeen.

Waxaana la sheegayaa in dadka dhintay ay goobta ku nafbaxeen halka dadkii dhaawaca ahaana la geeyay isbtitaal guud ee magaalada Gaarisa.

Weerarka ayaa ka dhacay xaafada Buulo Iftin, oo kamid ah xaafada ah ay ka koobantahay magaalada Gaarisa.

Booliska Kenya oo soo gaaray goobta weerarku ka dhacay ayaa halkaas ka sameeyay hawlgallo lagu soo xirxiray qaar kamid ah dadweynahihii goobahaas ka ag-dhawaa.

Talaadadii lasoo dhaafay ayaa weerar midkaan lamid ah oo cida gaysatay aan la aqoon ay ku dhinteen labo kamid ah ciidamada ammaanka ee Kenya oo ku sugnaa isla magaaladaasi Gaarisa.

Ciidamada Kenya ayaa falalkaas kadib xabsiyada u taxaabay dad ku dhow boqol qof oo laga soo qabqabtay magaalada Gaarisa, kuwaasoo markii dambe la iska sii daayay sida uu sheegay taliyaha booliska gobolka waqooyi bari.

Weerarada iyo qaraxyada ay gaystaan kooxo aan la garanayn haybtooda ayaa ku soo batay gobolkaas, tan iyo markii ay Kenya ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya, dabayaaqadii sannadkii 2011ka.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya













Click here
4/5/2013 1:53 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta tababar u soo xiray ciidammo booliis ah oo tiradoodu tahay 206, kuwaasoo muddo saddex bilood ah tababar ku qaadanahay xarunta tababarka ee ciidamada booliiska Jabuuti ee Idiris Faarax Habbane.

4/5/2013 1:16 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux oo labadii dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal muddo kooban socday oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Koronroge oo u dhexeeya Baydhabo iyo Daynuunaay.

4/5/2013 12:37 PM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe maanta oo Jimco ah ayaa lasoo gabagabeeyay shirkii looga tashanayay dib u habeynta garsoorka dalka, kaasoo uu khudbad ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

4/5/2013 11:56 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Golaha Deegaanka Gabiley ayaa magaaladda Arabsiyo ku casuumay dhigoodda kale ee golaha deegaanka Boorame, kuwaas oo Qaddo sharaf loogu sameeyey mid ka mid ah beeraha ay caanka ku tahay magaaladdaasi oo uu leeyahay wariyaha caanka ah ee Yoonis Cali Nuur.

4/5/2013 9:25 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Cumar Xamaami oo ah dagaalyahan u dhashay dalka Mareykanka oo ka barbar dagaalama Al-shabaab loogana yaqaan Soomaaliya, Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa shaaciyay inuu sii wadayo dagaalka uu kula jiro Mareynka, uuna beegsan doono danaha Mareykanka uu ku leeyahay caalamka oo dhan.

4/5/2013 9:04 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlay wada-shaqaynta ururrada wadaniga ah (NGO-yada), kuwa caalamiga ah iyo wasaaradda qorshaynta Somaliland iyo shuruucda u yaalla ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraddu ay ku leedahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

4/5/2013 8:48 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) — Dowladda Somaaliya ayaa soo bandhigtay qorshe cusub oo dib loogu habeynayo nidaamka maareynta dhaqaalaha dalka, taasoo wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya ay ku howlanayd in muddo ah.

4/5/2013 8:23 AM EST
Jimco, Abriil 05, 2013 (HOL) —Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha miinada iyo walxaha qarxa Maalinta miinada awgeed oo ku beegan 4 April 2013.

4/5/2013 8:16 AM EST
Jimco, April 05, 2013—Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo uu wehliyo xoghayaha Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax ayaa caawa kulan aad xasaasi u ahaa, loogana hadlayey horumarka sport ga Soomaaliyeed magaalada London kula qaatay tiro ka mid ah bahwaynta sport ga ee UK.

4/5/2013 7:25 AM EST
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Jimciyada quruumaha ka dhexaysa ayaa ugu baaqday Soomaaliya in la adkeeyo soo celinta haybadii garsoorka, si loo soo afjaro tacadiyada aan kala go’a lahayn ee loo gaysto haweenka .

4/5/2013 6:54 AM EST
Jimco, April 05, 2013 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay weheliso Marwadiisa Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi ayaa maanta waxaa qado sharaf u sameeyay Ra'iisal Wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Maxamed Kaamil.