3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2013
Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya oo ku Boorriyay Dowladda Federaalka inay Taageerto Shirka ka socda Kismaayo


Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii dowladda KMG ahayd ee Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay tahay inay taageerto shirka maamul u sameynta Jubbooyinka, maadaama shacabka ku nool gobolladaas ay go’aansadeen inay sameystaan maamul ay u dhan yihiin.

Cumar C/rshiid oo la hadlayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in sababta uu u joogo Kismaayo ay tahay sidii uu goobjoog uga noqon lahaa maamulka ay sameysanayaan shacabka Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo xusay inuu wax ka ogaa howshan billowgeeda uuna doonayo inuu goobjoog ka ahaado gabo-gabadeeda.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan kula talinayaa inay taageerto shirka maamulka loogu sameynayo Jubbooyinka, maadaama dastuurka uu qorayo in laba gobol iyo wixii ka badan ay sameysan karaan maamul goboleed hoos imaanaya dowladda,” ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Sidoo klae, wuxuu sheegay in maamul sameyntaan aysan ahayn mid ka horimaanaysa dastuurka sida ay ku andacoonayso dowladda, isagoo xusay in shirkan uusan ahayn mid ka horimaanaya dastuurka.

“Waxay ahayd in dowladda ay u duceyso maadaama shacabka Jubbooyinka ay go’aansadeen inay sameystaan maamul iyagoo heshiis ah, waayo waxaa la xusuustaa in 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay deegaannadan ahaayeen kuwo ay dagaallo sokeeyo ka dhaceen,” ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka maamul u sameynta Jubbooyinka uu yahay mid ka horimaanaya dastuurka dalka u degsan, iyadoo shalay ay degmadaas gaareen in ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada oo toddobaadkii hore tagay degmada Kismaayo ayaa waxay shirka Jubbooyinka ku tilmaameen mid aan dastuurka dalka u degsan waafaqsanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/4/2013 12:44 PM EST
Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dalka Soomaaliya u jooga Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

4/4/2013 9:43 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Guddiyadii ay iska dhex-doorteen ergada ka qaybgalaysa Shirweynaha heer looga tashanayo dib u habeynta garsoorka dalka ayaa maanta si saraaxad leh looga dooday talooyin ay aragti ahaan u soo jeediyeen guddiyadii afarta ahaa ee loo xil-saaray inay kasoo talabixiyaan arrimo la xiriira qawaaniinta iyo qaab dhismeedka garsoorka Soomaaliya kuwaasoo muddadii labada maalmood ee lasoo dhaafay ay ka doodayeen.

4/4/2013 9:08 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dowladda Jabuuti gaadiid ay ugu deeqday ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo ciidamada xambaara.

4/4/2013 1:15 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in cutub ka mid ah ciidamadeeda qaybta ka ah AMISOM ay kala baxayso koonfurta Soomaaliya mar halkaas la geeyo ciidamda ka socda dalka Sierra Leone.

4/4/2013 1:11 AM EST
Khamiis, Abriil 04, 2013 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee ka hortagga galmada sharci-darrada ah, Saynab Hawa Bangura oo shalay booqasho ku timid Muqdisho ayaa sheegay inay dowladda Soomaaliya ka caawinayaan sidii lagu baabi’in lahaa kufsiga haweenka.