3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho Ka Sameeyay Howl-gallo ay uga hortagayeen falal wax u dhimaya Amniga


Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ciidamada si gaar ah u tababaran iyo kuwa booliiska Soomaaliya ayaa maanta howgallo ka sameeyay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo saraakiisha booliiska ay sheegeen in lagu soo qabqabtay dad falal ammaan-darro kawaday Muqdisho.

Howgalladan ayaa waxay sameyn ballaaran ku yeesheen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo isgoysyada muhiimka ah la dhigay ciidammo si gaar ah u tababaran oo gaadiidka u diiray inay maraan, inkastoo shacabku ay si caadi ah u marayeen waddooyinka.

“Waxaa la sameeyay maanta howgallo gaar ah oo lagu soo qabqabtay dad ku howlanaa falal ammaan-darro, sidoo kale howgalladu waxay ahaayeen kuwo looga hortagayay falal argagaxiso oo Muqdisho laga geysto,” ayuu yiri sarkaal ka warbixinayay howgallada, inkastoo uu diiday inuu bixiyo warar intaas ka badan.

Ardayda iyo dadweynaha shaqooyinka u socday ayaa waxay saakay kusoo toosteen iyadoo jidadka muhiimka ah ee Muqdisho ay xiran yihiin, taasoo sababtay in dadka iyo ardayda qaarkood ay dib ugu laabtaan guryahooda.

“Ma garanayno sabab loo xiray waddooyinka, dariiq kasta waa naloo diiday inaan marno… haddii aan ogaan lahaa in xaaladdu ay sidan tahay saakay ma soo shaqo tageen,” ayuu yiri darawal waday mid ka mid ah gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya Muqdisho.

Howgalka maanta ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo Muqdisho laga sameeyo tan iyo markii ay lasoo doortay madaxweynaha Soomaaliya sannadkii hore, waxaana howgalladan lagu raadinayay sida la sheegay dad iyo hub la sheegay in lagu haysto Muqdisho.

Dhanka kale, waxaa la safasaxay maalinta berri ah oo ku beegan 1-da bisha May dhammaan shaqaalaha dowladda Soomaaliya, iyadoo la sheegay inay la dabaal-degaan qoysaskooda, maadaama ay ku beegan tahay maalinta loo asteeyay shaqaalaha dunida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/30/2013 3:04 PM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) ayaa munaasabada maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da May, 2013 oo berri ku aaddan wuxuu hambalyo u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

4/30/2013 1:32 PM EST
Talaado, April 30, 2013(HOL)—Ururka Tamarta Bariga Afrika oo Kulliyaddii ugu ballaarneyd oo Injineernimo laga barto ka hirgelineysa Soomaaliya Kulliyado lagu barto cilmiga Injineeriyada.

4/30/2013 11:46 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Shir lagaga hadlayo sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

4/30/2013 10:31 AM EST
Talaado, 29 April, 2013(HOL) :- Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiim ee Magaalada Baladxaawo ayaa waxay ka warbixiyeen howsha Dhismaha Masjidkaasi oo ay sheegeen in haatan marayo wejigii labaad ee Dib u dhiska Masjidka oo howshiisa la bilaabay mudo haatan laga joogo ilaa labo Bil,waana Masjid laga doonayo ilaa Labo Dabaq in laga dhigo,iyadoo Dabaqii kowaadna la sheegayo in uu marayo meel dhexe.

4/30/2013 9:21 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobollka Hiiraan ayaa ku soo bandhigay maanta magaalada Baladweyne ilaa Afar dhalinyarro ah oo sida ay sheegeen ka soo goosatay ama iska soo dhiibay kooxda Al-shabaab.

4/30/2013 8:20 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas, isagoo uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen oo intooda badan ku saabsanaa xaaladda Soomaaliya iyo waxyaabaha dowladda u qabsoomay.

4/30/2013 6:57 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Ciidamada Puntland ayaa maanta duleedka magaalada Boosaaso ku toogtay 13-qof o ay ku jirtay haweeney, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab qaarkoodna lagu helay inay ka dambeeyeen dilkii dhamamadkii sannadkii 2011 loogu geystay Boosaaso, Dr. Axmed Sheekh C/raxmaan oo ka mid ahaa culummada Puntland.

4/30/2013 6:25 AM EST
Talaado, 30 April, 2013 (HOL) :- Dagaalyahanno kaitrsan Al-shabaab ayaa xalay fiidkii weerar madaafiic ah kusoo qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

4/30/2013 1:55 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Macluushii Soomaaliya ku dhufatay 2011 ayaa la sheegay inay dishay 260,000 oo qof oo u badan caruur ay dad’oodu ka hoosayso shan sano, waxaana sidoo kale dadka ay dishay macluushaas u badan haween.

4/30/2013 12:57 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ciidammo soo dhameytay tababar kusoo bandhigtay deegaanka Ambareesa ee gobolka Shabeellada, hoose; waxaana ciidamadaas oo dhoola-tus dhigay ay wateen gaadiidka dagaalka iyo hub kala duwan.

4/30/2013 12:25 AM EST
Talaado, Abriil 30, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa la kulmay Isniintii shalay ahayd dhiggiisa iyo sidoo kale madaxweynaha Turkiga, iyadoo guddoomiyuhu uu booqday goobo ku yaalla magaalada Ankara ee xarunta Turkiga.