4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2013
Al-shabaab oo Madaafiic ku Weerartay Saldhigyo ay Ciidamada Huwanta ah ku leeyihiin Duleedka Magaalada Kismaayo

Talaado, 30 April, 2013 (HOL) :- Dagaalyahanno kaitrsan Al-shabaab ayaa xalay fiidkii weerar madaafiic ah kusoo qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Weerarkan oo ahaa mid ay labada dhinac ay isu adeegsanayeen hub culculus iyo madaafiic ayaa waxa uu bilowday xalay abaare salaaddi cishaha kadib, waxaan daryanka madaafiicda ay labada dhinac is weeydaarsanayeen laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo.

Ilaa imika lama garanayo qasaaraha ka dhashay weerarkaasi, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay oo faahfaahin ka bixiyay.

Xarakada Al-shabaab ayaa aalaaba waxa ay weerarro madaafiic ah ku qaadaa saldhigyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin daafaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shirkii maamul u sameynta Jubooyinka loo wareejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasoo ay imika ku suganyihiin inta badan ergadii ka qeybqaadaneysay shirka maamul u sameynta Jubooyinka.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxa ay saldhigyo ku leeyihiin meelo aan sidaa uga fogeyn magaalada Kismaayo, waxaana dhanka  waqooyi ay ku suganyihiin deegaanka Buulogaduud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada, halka dhinaca galbeedna ay ku suganyihiin deegaanka C/dhoore oo qiyaastii 25 KM u jira magaalada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya