4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Howlo Dhex-dhexaadin ah u aadaya Maanta Magaalada Kismaayo

Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose si ay dhexdhexaadin uga dhex-billaabaan dowladda iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo oo isku fahmi waayay maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.

Mudanayaashan ayaa la sheegay inay tiradoodu tahay 20 xubnood, uuna la socdo guddoonka baarlamaanka, waxaana xubnahan ku jira sida la sheegay xildhibaanno uu codsaday Sheekh Axmed Madoobe in loosoo diro si uu ugala hadlo muranka u dhexeeya dowladda iyo maamulkiisa.

“Qorshaha aan u soconno waa inaan dhexaadinno dowladda iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo, si aan madmadowga uga saarno labada dhinac,” ayay tiri xildhibaan Sahro Jaamac Cali oo ka mid ah xildhibaanada maanta aadaya Kismaayo.

Xildhiabannadan ayaa waxaa ka mid ah: Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo C/risaaq Cismaan Xasan (Jurille), waxayna sheegeen inay dadala badan ku bixin doonaan sidii khilaafka u dhexeeya dowladda iyo maamulka Kismaayo ay meesha uga saari lahaayeen.

“Rajo weyn ayaan ka qabnaa inaan qorshaheennan ku guuleysan doono, waayo waxaan u soconno waa islaax; waxaana nala og guddoonka sare ee baarlamaanka, waayo ra’iisul wasaaruhu meel wanaagsan ayuu arrinta keenay innnaguna waan isku dayaynaa dhameystirkeedad,” ayay mar kale tiri xildhibaanad Sahro.

Dowladda Somalia iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa toddobaadkii hore isku mari waayay sameynta maamulka Kismaayo iyadoo dowladdu ay codsatay in shirkan loo bedelo mid dib u heshiisiin ah; maamulka Kismaayo uu sheegay inay ka go’an tahay in loo sameeyo Jubbooyinka iyo gedo maamul ay ku mideysan yihiin.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa shirkaas ku tilmaamay mid aan loo dhameyn, wuxuuna sheegay in dowladdu ay si cad uga soo horjeeddo, lamana oga waxay arrinta ka bedeli doonto heshiiska ay ay wadaan xildhibaannadan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya