4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
Ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) oo Fariisamo kala Wareegay Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Magaaalada Baydhabo

Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Maalamahan waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka bay soo gaarayay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afirka ee AMISOM iyagoo ka imaanayay dhinaca magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, ciidamadaas oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa la wareegay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya.

Ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horreysay waxay gaareen meel ka baxsan Baydhabo ee la yiraahdo Goof-gaduud-shabeelow oo qiyaastii 30-km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Baydhabo.

Goobtaas ayaa horay u ahayd fariisinka ugu weyn ee ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin gobolka Bay, iyadoo tani qayb ka noqonayso goobihii ay isaga baxayeen ciidamada Itoobiya fariisimihii ay ku lahaayeen ee goballada Bay iyo Bakool.

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay maanta gabi ahaan fariisimihii ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya ee duleedka Baydhabo; taasoo degmada Diinsoor oo ka tisran gobolka bay ayna ka taliso Al-shabaab u jirta 95-km oo keliya.

Fariisimahan ay la wareegtay AMSIOM ayaa waxay imaanayaa iyadoo dowladda Itoobiya ay sheegtay inay qorsheynayso inay la baxayso ciidanka kaga sugan gudaha Somalia, inkastoo madaxda Itoobiya ay arrintan siyaabo kala duwan uga hadleen.

Dhanka kale, dagaalkii ka dhacay deegaanka Ceelgaras ee gobolka Bakool ayaa la sheegay in lagu gubay markii u shidnaa xarunta shirkadda Hormuud ay ku leedahay deegaankaas, iyadoo noqonayso xaruntii saddexaad oo ay leedahay shirkadda Hormuud oo ku taalla gobolka Bakool oo waxyeelo loo geysto, waxaana dagaalkaas ku dhintay laba qof oo ka mid ah shacabka ku nool deegaankaas.

Shirkada Hormuud ayaa noqatay bartilmaameed la beegsado marka ay ka dhacaan dagaallada deegaannada gobolka Bakool, iyadoo horay loo beegsaday laba xarumood oo shirkaddu ay ku lahayd deegaannada Garas-weyne iyo Kulan-jareer oo ka mid ah deegaannada gobolka Bakool ee lagu dagaaamay toddobaad gudihiis.

Hiiraan Online, Baydhabo