4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
MADAXWEYNE CABDIRAXMAAN FAROOLE "Dastuurka Dalka Waxyaabo Badan Ayaa Lagu Daray Qaarna Waa Laga Reebay"


Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo galabta war-baahinta kula hadlay Garoowe, ayaa sheegay in kulankii dhex maray isaga iyo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud arrimo badan la iskula meel dhigay.

Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in qodobada la isku afgartay ay kamid yihin soo celinta midnimada dalka iyo dib u heshisiinta; iskaashiga dhanka nabad gelyada iyo sameynta maamul goboleedyada harsan.

Isagoo taas ka hadlaya waxaa madaxweynaha Puntland hadaladiisii kamid ahaa: “Wax badan baan isku afgaranay, waxna waa noo dhiman yihiin, haddii aan idiin sheego waxaan isku afgaranay waxaa kamida: in midnimada iyo dib u heshiisiinta soomaaliyeed loo maro nidaamka wada-hadalka”.

Dhinaca kale madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uu jiro wax-ka-bedel lagu sameeyey dastuurka dalka ee la ansixiyey Agoosto 1, 2012, isagoo ku baaqay in arintaas si deg deg ah looga daba tago.

Inkasta oo madaxweyne Faroole uusan cidna si cad farta ugu fiiqin, wuxuu hadana ugu baaqay madaxweynaha Federaalka iyo golaha baarlamaanka in ay arintaas sida ugu dhaqsaha badan fiiro gaar ah ugu yeeshaan.

“Dastuurkii lagu saxiixay Nairobi oo ay qaramada midoobey wax ka ogaayeen, waxyaabo badan oo inta la badeley dib looga daray oo aan la aqbali Karin ayaa jira, arintaasna waan soo bandhignay waana laga war heli donaaa” Madaxweyne Faroole ayaa yiri.

Ugu danbeyntii; wuxuu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo Puntland kala dhexeeya dowladda Federaalka, haseyeeshee dhinaca kale ay jiraan arimo kale oo ay xuquuq gaar ah u leedaay, taas isagoo tilmaamaya wuxuu yiri:

“Arrimaha caalamiga ah, wax naga dhexeeyaa way jiraan, wax aan weli kala leenahayna way jiraan, anaagu dowlad wayo arag ah oo shan iyo toban jirsatay oo dastuur gaara leh ayaan nahay”.

Shalay ayey ahayd markii  ugu horeysey ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho kusoo gaaro –tan xilligii la doortay- magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya