4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo Maanta Ansixiyay Magcaabidda Garyaqaanka Guud ee Dowladda Soomaaliya


Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaalya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku meelmariyay magacaabista garyaqaanka guud ee dalka oo loo magacaabay, Dr. Cismaan Cilmi Guuleed, iyadoo ay si aqlabiyad ah isugu raaceen wasiirradii kulanka ka qaybgalay magacaabista garyaqaanka guud ee dalka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda wafaafinta, Cabdishakuur Cali Mire ayaa u sheegay in golaha wasiirrada ayaa si qoto-dheer uga dooday xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen, waxaana warbixintan u soo gudbiyay golaha wasiir-u-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda, Dr. Maxamed Nuur Gacal.

“Goluhu aad bay uga murugoodeen xaaladda nololeed ee ay ku jiraan dadka qoxootiga ah ee ku jira xeryaha qaxootiyaha dalka Yemen, guddi ka kooban shan wasaaradood oo si deg-deg ah uga shaqeeya sidii dadkaas loo samata-bixin lahaa - looguna gurman lahaa,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Mar uu ka hadlay ansixinta garyaqaanka guud ee dalka ayuu wasiirku ku xigeenku yiri : “Golaha wasiirradu waxay maanta si aqlabiyad ah u ansixiyeen magacaabidda garyaqaanka guud ee dalka oo loo magcaabay, Dr. Cismaan Cilmi Guuleed (Biikolo,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka oo warbaahinta la hadlayay.

Ugu dambeyn, wasiirku ku xigeenku wuxuu sheegay in in golaha wasiirrada ay meel mariyeen guddiyo ay soo diyaarisay wasaaradda garsoorka, kuwaasoo loo gudbin doono baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Garyaqaanka guud ee dalka oo maanta ay ansixiyeen magacaabistiisa golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa wuxuu sugayaa inta uusan howshiisa billaabin in la mariyo baarlamaanka Soomaaliya si mar kale loo ansixiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya