4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2013
Midowga Yurub iyo Dowladda Mareykanka oo si adag u Cambaareeyay dilkii loo geystay ku-xigeenka Garyaqaanka Guud

Isniin, Abriil 29, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa si adag u cambaareeyay dilkii Muqdisho loogu geystay toddobaadkii hore ku-xigeenka garyaqaanka guud ee dalka, Axmed Sheekh Nuur Macallin kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya.

Afhayeenadda arrimaha siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub, Catheron Ashton ayaa ku sheegay war ay soo saartay inay aad uga naxday dila loo geystay ku-xigeenka garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya, iyadoo tacsi u dirtay qoyskiisa.

“Waxaa inaan la ogolaan weerarrada noocan oo kale ah, kuwaasoo looga gol-leeyahay in lagu nusqaamiyo horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay,” ayay tiri Ashton oo dowladda ku boorrisay inay sharciga horkeento kuwii ka dambeeyay dilka marxuumka.

Sidoo kale, warka ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay in ay la kala shaqeyso dowladda iyo bulshada caalamka sidii loo taageeri lahaa horumarka dhinaca siyadadda iyo amaanka ah ee ay gaartay Soomaaliya.

Dhanka kale, wakiilka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire James Swan ayaa sheegay inuu aad uga naxay kana xumaaday toogashadii loo geystay ku xigeenkii garyaqaanka guud ee dalka, isagoo sheegay inuu falkaas ahaa mid cadownimo oo ay geystay kooxo ma-naxayaal ah.

Kooxo hubeysan ayaa habeenkii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay ku dilay degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, ku xigeenka garyaqaanka guud ee dalka xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaaddii cishaha.

“Falkii lagu toogtay ku xigeenka garyaqaanka guud ee Somalia wuxuu ahaa mid ka baxsan dhaqanka Soomaalida oo aan oggolayn in la toogto qof kasoo baxay masaajid, wuxuuna sidoo kale xusay inuu ka dhan yahay dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo nabadda Soomaaliya,” ayuu yiri Swan.

Ugu dambeyn, James Swan ayaa sheegay inay xukuumadda Washington ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loogu guuleysto in dib loo soo celiyo nabaddii iyo kala dambeyntii Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya