4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2013
Go’aamo kasoo baxay shir Maamulka Khaatumo State uga socday Magaalada Taleex ee Gobolka Sool iyo xil lala kala wareegay

Axad, Abriil 28, 2013 (HOL) — Shirweyne toddobaadyadii lasoo dhaafay uga socday golayaasha maamulka Khaatumo degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa soo gabagaboobay; iyadoo ay kasoo bexeen qodobbo dhinacyo kala duwan taabanaya.

Shirkaas oo ay kasoo qayb-galeen mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ee heer gobol iyo heer degmo, golaha dhaqanka, waxgarad iyo dadweyne kala duwan ayaa waxaa  xil-wareejin ku samyeeaey madaxwenihii talada hayay muddadii lasoo dhaafay, Maxamed Yuusuf jaamac (Indha-sheel) isagoo xilka ku wareejiyay, Cabdinuur Cilmi Qaaje "Biindhe".

Wasiir u dowlaha madaxtooyada maamulka Khaatumo, Mukhtaar Ibraahim Xabashi ayaa munaasabaddaas ka akhriyay qodobbada kasoo baxay shirkii muddada u socday golayaasha maamulka Khaatumo oo u qoraa sidan oo ah mid waafaqsan midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Dadka kasoo jeeda maamulka Khaatumo ee aan ka qayb-qaadan burburkii iyo baabi’inta magaca Soomaaliyeed; waxay geed gaaban iyo geed dheera u fuuleen soo celinta magaca iyo midnimada Soomaaliya; waxaana kasoo hor-jeednaa qodobbadii kasoo baxay shirkii lagu qabtay dalka Turkiga kaasoo aan u aragno in lagu qaybinaayay ummadda Soomaaliyeen, waxaana u aragnaa arrin lala galay beel ka mid ah shanta beelood ee degta gobolladii waqooyi Soomaaliya la isku oran jiray, Baarlamaanka Soomaaliya waxaan ugu baaaynaa inuu arrintaas tallaabo ka qaato,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirka.

Sidoo kale, bayaanka waxaa lagu sheegay in maamulka Khaatumu u soo dhaweynayo shirka ka socda Kismaayo ee lagu dhisayo maamul ay gobollada Jubbooyinka yeeshaan; waxaana kula talinaynaa inay saldhig uga dhigaan maamulkooda, midnimo iyo cadaalad.

“Waxaan ururrada dowliga ah iyo kuwa madaxbanaan sida AU, IGAD iyo UN-ka aan la socodsiinaynaa in maamulka Khaatumo uu u taagan yahay nabad kuwada noolaanshaha iyo deriswanaagga geeska Afrika, sidoo klaena aan ka soo horjeedno xad-gudubyada heer qabiil illaa heer qaran, waxaan si adag u cambaareynaynaa tabaha ku saleysan barkicinta, argagaxgelinta, wiiqidda horumarka iyo dhaqaalaha oo uu isticmaalo maamulka Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirka Khaatumo.

Dhanka kale, warbixinta kasoo baxday shirka Khaatumo ayaa waxaa lagu taageeray habka dimuqradiga ah ee ka hirgalay bariga Afrika gaar ahaan dalka Kenya iyo doorashadii madaxweynaha cusub ee Uhuru Kenyata.

“Waxaan soo dhaweynaynaa shirkadaha maal-gashiga iyo kuwa shidaalka baaraya; waxaana tixgelinaynaa heshiisyadii ay dowladihii hore la gashay shirkadaha caalamiga ah, waxaana uga digaynaa cid kasta oo isku-dayda in ay wax ka baarto dhulka Khaatumo oo aan soo marin inay cawaaqib xumo la kulmi doonaan qodobbadaas iyo qaar kale oo ay ka mid ahaayeen deeqaha Qaramada Midoobay,” ayaa lagu soo gabgabeeyay warbixinta shirka kasoo baxday.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool