4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2013
Mayarka ama Gudoomiyaha Dagmada Saylac ee Somaliland oo ka warbixiyay Xaaladda Guud ee Dagmadaas ka jirta

Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) —  Mayarka dagmada Saylac, Xuseen Iidle Barkhadle ayaa ka warbixiyay xaaladda degmada Saylac, isagoo sheegay in xaaladdu ay tahay mid aad u wanaagsan, isagoo sheegay in markii uu xilka ka wareegay uu isku dayay inuu xaaladda intaas kasii wanaajiyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay uu isbedello weyn ka hirgeliyay magaalada, uuna doonayo in intaas kasii badiyo howlaha uu ku rajo-weyn yahay inuu ka hirgeliyo degmada oo xeebta badda cas ku taalla.

“Xilka waxaan hayaa 90-casho; waxaana ii hirgalay dayactirkii dugsiga hoose ee degmada iyo iskuulka Saylac oo fasallo aan ku biiriyay, rjo weyn ayaana ka qabaa inaan wax-qabadka intaa kasii ballaariyo,” ayuu yiri Iidle oo u warramayay wariyaha HOL ee Boorame.

Degmada Saylac ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii lagu murmay doorashadii golaha deegaanka ee Soomaliland ka dhacay dhammaadkii sannadkii hore, iyadoo dhibaatooyin badan laga soo maray xallinta muranka ka dhashay doorashada.

Khadra Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia