3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2013
Booliiska Uganda oo shaaciyay inay heleen fariimmo Sheegaya in Al-shabaab ay Qorsheynayo Weerarro ay ka geysato Uganda

Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Booliiska dalka Uganda ayaa shaaciyay maanta oo Jimco ah inay heleen warbixinno sheegaya in Al-shabaabta Soomaaliya oo xiriir la leh urur-weynaha Al-Qaacida ay qorsheynayaan weerarro ay ka geysteen dalka Uganda.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo ka tirsan AMISOM oo dagaal kula jira Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, waxaana Al-shabaab ay qaraxyo waaweyn ka fulisay sannadkii 2010 magaalada Kampala kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 76-qof oo daawanayay ciyaaro.

“Waxaan helnay warar sheegaya in kooxda aragagaxisada ah ee Al-shabaab ay qorsheyanayan weerarro ay ka fuliyaan dalalka bariga Afrika, gaar ahaan Uganda,” ayuu tiri afhayeenadda booliiska Uganda, Judith Nabakooba oo shir jaraa’id ku qabtay Kampala.

Al-shabaab ayaa horay ugu hanjabtay inay weerarro ka geysanayso dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen inay yihiin kuwo ay ugu aargudayso dadka Soomaaliyeed ee ay AMISOM ku dilayso gudaha Soomaaliya.

“Innagoo kaashanaysa hay’ado kale oo ammaan ayaan doonaynaa inaan si dhab ah u xaqiijino warbixinnada nasoo gaaraya,” ayay mar kale tiri Judith oo intaas raacisay. “Waxaan doonaynaa inaan ka hortago inay ka dhacaan dalkeena falalkaas argagaxiso.”

Dalka Uganda ayaa wuxuu ahaa dalkii ugu horreeyay oo ciidammo nabad-ilaalin ah u soo dira Soomaaliya, kuwaasoo yimid Muqdisho sannadkii 2007 xilli ay socdeen dagaallo u dhexeeya ciidamadii Itoobiya ee xilligaas joogay dalka iyo xoogaggii Maxkamadaha Islaamka oo ay Al-shabaab ka mid ahayd.

Ciidamada Uganda iyo kuwo kale ee AMISOM ayaa waxay sannadkii 2011 ka billaabeen Muqdisho dagaallo ay la galeen Al-shabaab iyagoo ka qabsaday dhul ballaaran oo ay horay uga talin jirtay kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida.

Weerarradii ka dhacay Kampala sannadkii 2010 ayaa lagu sheegay inay ahaayeen kuwii ugu khatarsanaa ee Al-Qaacida ay ka geysato bariga Afrika wixii ka dambeeyay weerarkii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi-Kenya iyo Daru-salam-Tanzania lagu qaaday sannadkii 1998.

Toddobaad ka hor ayay Al-shabaab weerar lala yaabay ku qabsaday dhisme ay ku shaqeynayeen hay’adaha garsoorka Soomaaliya Muqdisho ku yaalla, halkaasoo ay ku dhinteen 34-qof oo ay ku jireen garyaqaanno, shacab iyo suxufi ka tirsanaa maxamadda gobolka Banaadir.

Bishii lasoo dhaafay aya sidoo kale Al-shabaab la wareegeen magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasoo muddo sannad ka hor lagala wareegay, waxaana qabsashadooda ay timid markii ay si lama filaan ah uga baxeen ciidamadii Itoobiya iyo kuwii Soomaaliya ee degmadaas ku sugnaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/26/2013 4:28 PM EST
Maxamed Cabdi Xuseen oo ay maalmo ka hor ayaa dhallinyaro ku dileen duleedka magaalada London ayaa manta la aasay. Waxaa warbixintaa London nooga soo diray Ibraahim Baafo.

4/26/2013 2:41 PM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Mayarka dagmada Saylac, Xuseen Iidle Barkhadle ayaa ka warbixiyay xaaladda degmada Saylac, isagoo sheegay in xaaladdu ay tahay mid aad u wanaagsan, isagoo sheegay in markii uu xilka ka wareegay uu isku dayay inuu xaaladda intaas kasii wanaajiyo.

4/26/2013 1:39 PM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, Cilmi Axmed Ducaale ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay arrinta ugu weyn ee looga hadlo shirarka Qaramada Midoobay, isagoo xusay in siyaasad ahaan iyo ammaan ahaan ay u muuqato Soomaaliya mid ay dhibaato ka jirto.

4/26/2013 1:18 PM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu iska casily xilkii xildhibaannimo ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da inuu warqaddiisii iscasilaadda u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

4/26/2013 12:55 PM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo loo yaqaanka Cumar Xamaami oo ka mid ah dagaalyahannada Ajnabiga ah eek a barbar dagaalama Al-shabaab ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu si dirqi ah uga baxsaday isku-day di loo lagu qaarijin lahaa.

4/26/2013 11:24 AM EST
Jimce, Abriil 26, 2013 (HOL)- Abwaan C/laahi Macalin Axmed ”Dhoodaan” oo kamid ahaa sugaanyahanada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyoodey magaalada Herer ee dalka Itoobiya.

4/26/2013 5:01 AM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanno ka tisran gobollada Bakoool iyo Bay, dagaalladaas oo dhaliyay khasaare isugu jirta mid nafeed iyo mid maaliyadeed.

4/26/2013 4:51 AM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Kooxo bastooladley ah ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku-xigeenkii garyaqaanka guud ee dalka, Avv. Axmed Sheekh Nuur Maalin, iyadoo kooxihii dilkaas ka dambeeya la qabtay.

4/26/2013 4:38 AM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha Dalladda Naafadda ee Somaliland Mukhtaar Cismaan Muxumed, ayaa sheegay inay carqalad ku hayso dhismayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha oo aan loogu tallogalin sidii ay dadka naafadda ahi hawlahooga uga soo qabsan lahaayeen, isla markaana ka codsaday inay dadka naafada ah ugu tallogalaan meelihii ay u soo mari lahaayeen.