4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2013
Danjiraha Somalia u jooga Qaramada Midoobay oo sheegay in Soomaaliya ay noqotay arrinta ugu weyn ee laga hadlo

Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, Cilmi Axmed Ducaale ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay arrinta ugu weyn ee looga hadlo shirarka Qaramada Midoobay, isagoo xusay in siyaasad ahaan iyo ammaan ahaan ay u muuqato Soomaaliya mid ay dhibaato ka jirto.

Cilmi Ducaale ayaa sheegay in inkastoo dalku uu ku tallaabsaday horumarro muhiim ah, haddana aan la dhici karin waa dal ay ka dhamaadeen colaadihii muddada dheer uu kusoo jiray.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain, William Hague oo Muqdisho u tagay sidii uu u furi lahaa safaaraddii Britain ee Soomaaliya kaddib 22-sano oo ay xirnayd ayaa sheegay in dalka uu u muuqdo mid kasoo kabanaya dhibaatadii uu ka dhacday colaadihii sokeeye, haddana ay weli ka jiraan loolanno adag.

Soomaaliy ayaa waxaa sannadkii hore ka dhashay dowlad rasmi ah kaddib 22 sano oo dalku uu ku jiray colaado ayna ka talinayeen dowlado KMG ah oo lagu soo dhisay dalka dibaddiisa. Balse Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerar toddobaad ka hor lagu qaaday xarunta ay ku shaqeeyana maxkamadaha dalka.

“Inkastoo horumarro muhiim ah laga gaaray dhibaatooyinkii dalka ka jiray, haddana ma muuqato in laga baxay colaadihii muddada soo jiray,” ayuu ku yiri war ay soo xigteen warkaaladaha wararka caalamka oo danjire Ducaale uu ka sheegay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Ku xigeenka xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee arrimaha siyaasadda, Jeffrey Feltman ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ka caawinayso Somalia sidii ay horumar uga sameyn lahayd dhinaca siyaasadda marka la gaaro sannadka 2016-ka.

“Howgalkan cusub waa mid ay Qaramada Midoobay ka billaabayso Somalia, waana mid lagu cusboonaysiinayo go’aankii golaha ammaanka ee Somalia looga taageerayay dhinaca nabad-dhalinta,” ayuu Jeffrey Feltman u sheegay goolaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay tan iyo markii la dhisay dadaal weyn ugu jirtay sidii ay kusoo celin lahayd ammaanka dalka, waxaana madaxdu ay ku sheegeen ballanqaadyo ay sameeyeen in sugidda ammaanka uu kaalinta hore kaga jiro howlahooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya