4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2013
Prof. Samatar oo ku dhawaaqay inuu ka Tanaasulay xilkii Xildhibaannimo ee Baarlamaanka Soomaaliya

HIIL2.jpg
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu iska casily xilkii xildhibaannimo ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da inuu warqaddiisii iscasilaadda u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

Samatar ayaa beeniyay in iscasilaaddiisa ay la xiriirto xiriir hoose oo dhexmaray isaga iyo mas’uuluiyiinta Somaliland, wuxuuna sheegay inaysan iscasilaaddiisa lug ku lahayn doorashadii madaxweynenimo ee sannadii hore looga adkaaday.

“Warqaddii aan kaga baxayay baarlamaanka Somalia ee fadhiya Muqdisho waxaan u qoray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Prof. Samatar oo sheegay inuu iscasilaaddiisa ogeysiiyay beeshii uu ka dhashay maadaama xildhibaannada lagu soo xulay hayb beeleed.

Sidoo kale, Prof. Samatar wuxuu sheegay in danta Somalida aysan oolin oo keliya baarlamaanka, balse ay meelo kale oo badan ay taallo, isagoo xusay inuu ka shaqeynayo danta Soomaaliyeed inta uu nool yahay.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd inuu jiro kulan dhexmaray isaga iyo madaxda Somaliland ayuu sheegay inuusan jirin, sidoo kalena aysan jirin maamul uu doonayo inuu ka mid noqdo oo aan ahayn midka Soomaaliya.

“Anigu waan soo dhaweynayaa wadahadallada dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland, waxaanse ku talinayaa in gunta hoose laga billaabo wadahadal oo aan meelo sarsare oo aanay dhibaato ka jirin,” ayuu yiri Prof. Samatar.

Talooyinka uu u jeedinayo labada dhinac oo la weydiiyay ayaa wuxuu ku sheegay inuu kula talin lahaa labada dhinac inay mas’uuliyiinta Somaliland bannaanka soo dhigaan shuruudaha ay ku xirayaan midnimada, madaxda Soomaaliduna ay caddeeyaan go’aankooda ku aaddan in dib loo midoobo.

Prof. Samatar ayaa ka mid noqonaya xildhibaanno dhowr ah oo xilalka isaga tagay kaddib markii ay sheegeen inay howlahooda kale ka bateen, waxaana ka mid ah xubnaha horay xilalkooda uga tanaasulay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo xubno kale.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca baarlamaanka Soomaaliya oo ku aaddan iscasilaadda Prof. Samatar, balse barafasoorku wuxuu sheegay in rajo weyn uu ka qabo in xilkaas loo dhaarin doono ruux ka socda beeshiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya