3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2013
Kooxo Bastooladleey oo Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ku Toogtay ku-xigeenkii Garyaqaanka Guud ee Dalka

Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Kooxo bastooladley ah ayaa xalay fiidkii ku dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku-xigeenkii garyaqaanka guud ee dalka, Avv. Axmed Sheekh Nuur Maalin, iyadoo kooxihii dilkaas ka dambeeya la qabtay.

Mas’uulka la dilay ayaa la sheegay inuu kasoo baxay masjid uu ku tukaday salaaddii cishaha, waxaana toogtay saddex qof oo bastoolado ku hubeysnaa xilli uu ku socday gurigiisa oo ku yaalla xaafad ku dhow hoteelka Ramadaan.

Weerarka lagu dliay ku xigeenka garyaqaanka guud ee dalka ayaa waxaa lagu dhaawacay qof kale oo rayid ah, iyadoo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaas ku sugan ay qabteen raggii dilka geystay.

“Marxuumku wuxuu ku dhacay degmada Jannaale ee gobolka Shabeellada Hoose, ayna kawada baxeen jaamacaddii ummadda Soomaaliyeed sannadkii 1980-kii,” ayuu yiri garyayqaanka guud ee dalka, Avv. Xasan Cali Xayle oo ka hadlay taariikhdii marxuumka.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxiyadiin Xasan Jurrus oo isaguna ka hadlay dilka ku xigeenka garyaqaanka guud ee dalka ayaa sheegay inay ka dambeeyeen dilkaas kooxo ka tirsan Al-shabaab, shacigana la horkeeni doono.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin inay dilkaas ka dambeysay iyo in kale, sidoo kalena ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay, waxaase uu qayb ka noqonayaa dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Dilkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta garsoorka dalka bartamihii bishan halkaasoo ay ku dileen dad fara badan oo ay ku jireen garyaqaanno.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in dagaalyahanno taabacsan iyada ay dilal qorsheysan ka geystaan Muqdisho, iyadoo dhawaan warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay 127 ka mid ah ciidamada Nabadsugidda dalka ay ku dileen magaalada Muqdisho afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/26/2013 4:28 PM EST
Maxamed Cabdi Xuseen oo ay maalmo ka hor ayaa dhallinyaro ku dileen duleedka magaalada London ayaa manta la aasay. Waxaa warbixintaa London nooga soo diray Ibraahim Baafo.

4/26/2013 2:41 PM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Mayarka dagmada Saylac, Xuseen Iidle Barkhadle ayaa ka warbixiyay xaaladda degmada Saylac, isagoo sheegay in xaaladdu ay tahay mid aad u wanaagsan, isagoo sheegay in markii uu xilka ka wareegay uu isku dayay inuu xaaladda intaas kasii wanaajiyo.

4/26/2013 2:12 PM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Booliiska dalka Uganda ayaa shaaciyay maanta oo Jimco ah inay heleen warbixinno sheegaya in Al-shabaabta Soomaaliya oo xiriir la leh urur-weynaha Al-Qaacida ay qorsheynayaan weerarro ay ka geysteen dalka Uganda.

4/26/2013 1:39 PM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, Cilmi Axmed Ducaale ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay arrinta ugu weyn ee looga hadlo shirarka Qaramada Midoobay, isagoo xusay in siyaasad ahaan iyo ammaan ahaan ay u muuqato Soomaaliya mid ay dhibaato ka jirto.

4/26/2013 1:18 PM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu iska casily xilkii xildhibaannimo ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku sheegay wareysi uu siiyay VOA-da inuu warqaddiisii iscasilaadda u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia.

4/26/2013 12:55 PM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo loo yaqaanka Cumar Xamaami oo ka mid ah dagaalyahannada Ajnabiga ah eek a barbar dagaalama Al-shabaab ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu si dirqi ah uga baxsaday isku-day di loo lagu qaarijin lahaa.

4/26/2013 11:24 AM EST
Jimce, Abriil 26, 2013 (HOL)- Abwaan C/laahi Macalin Axmed ”Dhoodaan” oo kamid ahaa sugaanyahanada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku geeriyoodey magaalada Herer ee dalka Itoobiya.

4/26/2013 5:01 AM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanno ka tisran gobollada Bakoool iyo Bay, dagaalladaas oo dhaliyay khasaare isugu jirta mid nafeed iyo mid maaliyadeed.

4/26/2013 4:38 AM EST
Jimco, Abriil 26, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha Dalladda Naafadda ee Somaliland Mukhtaar Cismaan Muxumed, ayaa sheegay inay carqalad ku hayso dhismayaasha wasaaradaha iyo hay’adaha oo aan loogu tallogalin sidii ay dadka naafadda ahi hawlahooga uga soo qabsan lahaayeen, isla markaana ka codsaday inay dadka naafada ah ugu tallogalaan meelihii ay u soo mari lahaayeen.