4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa oo Baaritaanno iyo Daweyn ka bilaabay Miyiga Somaliland (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Ardaydda kuuliyadda Caafimaadka jaamacadda Hargeysa oo ay wehelinayaan Dhakhaatiir, ayaa goboladda Hargeysa, Gabiley iyo Awdal ka bilaabay hawlgallo baadhitaanno caafimaad ah oo  dadka miyiga ku nool lagu siinayo dawooyin iyo baadhitaan bilaash ah.

Dawayntan bilaashka ah ee dadka miyiga ku dhaqan lagu dabiibayo ayaa ah qorshe la doonayo in wakhtiyadda gu’ga oo xanuuno badan la soo darsaan caruurta iyo hooyooyinka  baadhitaan caafimaad loo siin lahaa, waxaana dawooyinka iyo kharashka ku baxaya baadhitaankan ka caawisay hay’adda THET oo hawlaha caafimaadka iyo ardaydaba kala shaqaysa hawl-galadda caafimaad.

Baadhitaanada oo ay wadeen saddex kooxood oo ka hawlgalayey dhulka miyiga ee dhereran goboladda Awdal iyo Gabiley, ayaa baadhitaano iyo dawaynba siiyey dad lagu qiyaasay afar boqol oo qof, waxaanay dadweynaha deegaanadaasi oo hore loogu wargaliyey inay dhakhaatiir bilaash ahi iman doonaan ayaa safaf dhaadheer usoo gallay goobihii ay joogeen dhakhaatiirta iyo ardayda jaamacadda ee caafimaadka.

Dr. Ibrahim Cali Cabdi waxa uu ka mid ahaa dhakhaatiirta kooxda degmadda Dilla hogaaminaysay, waxaanu sheegay inay baaadhitaanno iyo dawooyin u qoreen dad lagu qiyaasay boqol iyo dheeraad qof oo ay ka haleen xanuuno kala duwan, haseyeshee waxa uu xusay inay dadku u badnaayeen xanuunka dhiigkarka, dhiig la’aanta iyo wadno xanuunka.

“Waxaanu eegnay boqol qof iyo dheeraad, xanuunadda aanu Dilla ka helnay waxa u badnaa xanuunka Dhiigkarka,  ama wadno xanuunka, waxa ku xigay xanuunka loo yaqaan infagshanka, waxa kale oo jiray caruurta xanuunka hargabka oo wakhtiga roobka caruurta ku dhaca”ayuu ku yidhi Dr:Ibraahim Cali oo ka hadlayey xanuunadda ugu badan degmadda Dilla oo magaaladda Boorame 28 Km ka xigta bariga ee gobolka Awdal.

Dhakhtarka waxa uu sheegay inuu deegaanka ka soo jeeddo, isla markaana kooxdan uu hogaaminayo ee ka tirsan jaamacadda Hargeysa ay tahay markii ugu horeysay ee ay yimaadaan.

“Saaka saddex kooxood baanu ahayn kooxna miyiga Gabilay ayey tagtay, koox kalana Dilla ayey timid, kolba tuullo ayaa la tagi doonaan, way jiraan kiisas adag oo aanu aragnay oo uu ka mid ahaa wadno xanuun adag oo aanu shaybaadho u dirnay”ayuu raacay dhakhtar Ibraahim.

Dr. Mustafe Muuse Cigaal wuxuu ka mid yahay ardaydii caafimaadka ee dawaynaysay dadweynihii u yimid, waxaanu sheegay inay xanuunada u badan yihiin dhiigyaraanta iyo dhiigkarka, isagoo hawlgalkan caafimaad ka waramaya waxa uu yidhi “ waxaanu u baxnay gobolada galbeedka Somaliland gaar ahaan degmada Dilla, oo aanu ka fulinay hawlo caafimaad, dadka waanu wacyigelinaynay, waayo maadaama oo xilli roobaad la galay oo ay tahay xilli ay dilaacayaan xanuunada la kala qaado, waxa kale oo aanu dadwaynaha dadka qaba xanuunada fudud qaba sida dhiig la’aanta iyo calool istaaga,  iyo xanuunadda yar yar ee caruurta ee shuban iyo dhiigkarka, dadkii aanu baadhnay ilaa boqol iyo konton qof way gaadhayeen”

Mar aan waydiiyey kiisaskii ugu adkaa ee soo maray waxa uu yidhi “waxa ugu adkaa wadno xanuunka iyo fiixda ka soo baxda Cunaha, ayaa noogu darnaa iyo xanuunadda  lakala qaado, waxa kale oo u badnaa xanuunada ku dhaca kaadi mareenka oo dumarka u badnaa”

Si kastaba ha ahaatee, hawlgalkan caafimaad ee jaamacadd Hargeysa bilawday ayaa socon doono toddobo cisho, iyagoo mari doono afar gobol oo kala ah Awdal, Gabilay, Hargeysa iyo Saaxil, isla markaana ay daweyntaa ay siindoonaan dadweynaha miyiga ku dhaqan ee ka baxsan laamiyadda, waxaana dawooyinka iyo kharashka kale u baahan yihiinba ka caawinaya hay’ada THET oo la shaqaysa ardayda caafimaada barata.

Magaalooyinka ay mareen iyo kuwo ay mari doonaan waxay yihiin: Dilla, Boqor, Ijaara, Ceel giniseed, Abaarso, Arabsiyo, Kililka shanaad, Biyo shiinaha, Aw Barkhadle, Dacar Budhuq, Lafo Ruug, Qoynta, iyo Mandheera.






Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland