4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, kalana Hadlay Shirka lagu qabanayo London (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xalay cawayskii la kulmay Ra’isal wasaaraha Ingiriiska David Cameron, kuwaas oo ka wadda hadlay ka qaybgalka shirka London ka dhici doona bisha May ee soo socota.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London, ayaa sheegay inay ka wada hadleen madaxda Ingiriiska shirka London ka dhici doona, isla markaana uu sheegay Ra’isal wasaaruhu inuu faa’iido u leeyahay Somaliland ka qaybgalka shirkaasi maadaama oo madax badan oo caalamka ka socota ka soo qaybgalayso.

“Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ay labadan dal mudada dheer soo wadeen iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta nabad-gelyada geeska afrika, horu-marka iyo dhaqaalaha”ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay kulankaasi, waxaana intaas lagu daray “ David Cameron oo isna madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh ee ay Somaliland marwalba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labadan dal, ha noqoto dhanka ammaanka mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka caalamiga ahba”



Sidoo kale, waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in Ra’isal wasaare David Camaron Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono, isla markaana sheegay inay ay Somaliland faa’iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.

Waxa kale oo ay tilmaameen inuu Ingiriisku cadeeyey in aan Somaliland lagu qasbi karin wax aanay doonayn, haseyeeshee madaxda caalamka ee ka sooqaybgalaysa ay shirka kula hadli karto, isla markaana fursad fiican u tahay Somaliland inay ka soo qaybgashy, waxaana la sheegay inuu madaxweynuhu u cadeeyey madaxda ingiriiska inuu ka soo tashan doonaan ka soo qaybgalka iyo in kale.

Madaxweynaha waxa kulankan kula wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar,   Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan,  Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale, Dhinaca Raisal Wasaarahana waxa ku wehelinaayey  Wasiirka Arrimaha Dibeda Ingiriiska Mr. William Hague .

Si kastaba ha ahaatee kulankaasi ka dib ayey Somaliland u muuqataa mid ka soo dabacday go’aankeedii ay hore u qaadacday shirkaasi London loogu qabanayo soomaalidda,

Sidoo kale waxa uu wasiirka Arrimaha dibadda Somaliand Cabdilaahi Maxamed Cumar uu sheegay inay Somaliland fursad u heshay inay Ra’sal wasaarah Ingiriiska wax badan kala hadlaan, isla markaana qadiyadoodana usoo bandhigaan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland