Sannadkan oo Barwaaqo laga dareemayo deegaannada Magaalada Baydhabo iyo deegaannada ku dhow-dhow (SAWIRRO)

Arbaco, Abriil 17, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo iyo deegaannada hoos yimaada ayaa waxaa ka da'ay roob ay beeraleyda iyo xoolo-dhaqatadu ku diirsadeen. Roobkan wuxuu da'ayay 20 maalmood laga soo billaabo 13-kii Maarso illaa maanta, waqtigii uu imaan jiray roobka wuu kasoo hormarey.
Waxaad arkeysaa in xoolaha ay heleen daaq ku filan iyo magaalada oo aad ku arkeysid qudaar aad u fara badan, taasoo ku tusinayso in wax soosaarka dhinac waliba ay aad u wanaagsan tahay xilliga hadda la joogo, waayo xilligii dayrta beeraleyda waxay soo goosteen badar ku filan, taasoo muujinaysa in roobabkii da’ay ay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan.
Hay’adihii samafalka ee ku sugnaa Baydhabo ayaa billaabay inay beeraleyda oo beertay beerahooda ay u qaybiyaan abuuur, taasi waxay ku tusinaysaa in ay lasoo daaheen abuurka.
Magaalada ayaa waxaa lagu arkayaa in hay’adaha ku sugan Baydhabo ay billaabeen abuur-qaybin kuwaasoo ay ka mid yihiin: INTERSOS iyo ICRC oo inta badan dhinac abuurka ka caawiya beeraleyda Soomaalida.
Waddooyinka Baydhabo ka baxa dhammaantooda baabuurtu ma mari karaan dhiiqo awgeed, suuro-galna ma ahan in abuurka la gaarsiiyo meelahii deegaannadii loogu talogalay.



Hiiraan Online, Baydhabo