4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2013
Hay’adda Lacagta Adduunka ee [IMF] oo u Ogolaatay Soomaaliya in ay kusoo laabato Xubinnimadii Hay'adda Muddo dheer kaddib


Sabti, Abriil 13, 2013 (HOL) — Hay’adda lacagta Adduunka ee [IMF] ayaa u aqoonatay Soomaaliya xubin ka mid ah kaddib sannado badan oo ay ka maqnayd, balse ha’yaddu waxay sheegtay inaysan Soomaaliya siinayn wax dhaqaale ah tan iyo inta ay ka bixinayso damo fara badan oo lagu leeyahay.

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye oo la hadlayay warbaahinta isagoo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid muhiimad weyn ugu fadhida Soomaaliya.

“Tallaabadan waxay fududeynaysaa in  Soomaaliya ay si sharci ah lacago kusoo daabacan karto, inay ka qaybgasho shirarka IMF-ta oo midkiisa ugu horreeya uu ka dhacayo Washington iyo in daymaha lagu leeyahay laga cafiyo,” ayuu yiri C/salaam Hadliye.

Soomaaliya ayaa muddo 22-sano ka maqnayd ka mid ahaanshaha hay’adda IMF-ta oo dunida u qaabilsan bixinta daymaha iyo sameynta lacagaha, balse Soomaaliya ayaa lagu leeyahay dayn gaaraysa 352-milyan oo doollarka Mareykanka, taasoo laga doonayo inay iska bixiso.

“Qorshahan waa mid soo billowday markii madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay socdaal Washington, iminka ayuuna soo dhamaaday, runtiina waa guul ay gaartay dowladd Soomaaliya,” ayuu yiri Hadliye oo la hadlayay VOA-da.

Sidoo kale, Hadliye wuxuu sheegay in tani ay ka caawinayso Soomaaliya sidii loo hortegi lahaa isbedellada aan salka lahayn ee shillinka Soomaaliga iyo in aan lacago been abuur ah lagu soo sameyn meelo dunida ka mid ah caalamka.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii waxaa lacagaha Soomaaliga lagu soo sameyn jiray dalal dunida ka mid ah, iyagoo aan soo marin hay’adda IMF-ta, taasoo keentay in sicirka sarifka uu noqdo mid maalinba heer jooga.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay muddooyinkii ugu dambeysay wadday sidii ay u hagaajin lahayd habkeeda dhaqaale, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in dhaqaalaha dalka uu noqdo mid fadhiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya