4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Muraayad Garaad Axmed oo xalay ku geeriyootay Magaalada Leicester ee Dalka Britain


Marxuumad Muraayad Garaad Axmd



Jimco, April 12, 2013(HOL)—Waxaa xalay ku geeriyootay magaalada Leicester ee dalka Britain Muraayad Garaad Axmed oo ahayd guddoomiyaha Ururkii Dimoqraadiyadda Haweenka Soomaaliyeed (SWDO) intii u dhaxeysay sanadihii 1980—1991, iyado sidoo kalena ka mid ahayd xildhibaannadii dowladdii milleteriga.
 

Alle ha u naxariistee waxaa meydka marxuumadda lagu aasay isla magaalada Leicester, iyadoo aaskeedana ay ka qeybgaleen dadweyne aad u faro badan oo meelo fog fog isaga kala yimid.

 

Ururkii Dimoqraadiyadda Haweenka Soomaaliyeed ee ay madaxda ka ahaan jirtay marxuumad Muraayad Garaad ayaa la aas-aasay sanadkii 1977, wuxuuna ahaa ururka kaliya ee ay leeyihiin haweenka Soomaaliyeed, kaasi oo weliba ahaa mid qaran oo ay ku jireen haweenka ka tirsanaa waaxaha kala duwan ee dowladdii Mileteriga.

 

Ururka SWDO oo howshiisa ugu weyn ay ahayd awoodeynta dumarka Soomaaliyeed ayaa waxaa u qeybsanaa afar waaxood oo kala ah siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo dibadda. Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed waxaa uu Ururku qaaday farriimaha dowladdii jirtay xiligaas, iyadoo loo marsiiyay haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna ujeedku ahaa in la helo xasilooni qaran iyo midnimo siyaasadeed. 

Dhaqdhaqaaqyada dhaqaalaha, waxaa uu Ururku sameeyay dhaqaale uruurin, shaqo abuuris, maalgelin mashaariiceed iyo ka qeybgalka barnaamijyada dhaqaale. Waxaa kale oo Ururku ka shaqeeyay dhinaca arrimaha bulshada, iyadoo uu wax ka qabtay dhaqanka, waxbarashada, caafimaadka iyo kaalmooyinka bulshada, halka arrimaha dibaddana uu Ururku xiriirro wada shaqeyn la sameeyay ururro caalami ah oo ay ujeeddooyin wadaagayeen.


 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]