4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta u dhoofay Dalka Turkiga si uu ula kumo Siilaanyo

Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcaha maanta ah u dhoofay dalka Turkiga halkaasoo uu uga qaybgalayo kulan uu Turkigu garwadeen ka yahay oo la isugu keenayo Soomaaliya iyo Somaliland.

Wafdiga madaxweynaha ayaa u badnaa xubno ka tirsan xafiiskiisa iyo dhowr wariye, waxaana horay dalka Turkiga ugu sugnaa wasiirro ay aad ugu dhow madaxweynaha oo ay ka mid yihiin: wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka, C/kariin Xuseen guuleed iyo wasiir u dowlaha madaxtooyada, Faarax Sheekh C/qaadir.

Dowladda Turkiga ayaa waxay dhawaanahan ku howlahayd sidii ay isugu keeni lahayd madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo, iyadoo kulankoodan uu noqnayo kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii Xasan Sheekh xilka loo doortay.

Siilaanyo oo horraantii toddobaadkan u ambabaxay dalka Turkiga wuxuu ka sheegay Hargeysa inuu farqi weyn u dhexeeyo Somaliland iyo Soomaaliya, balse ay iyagu diyaar u yihiin inay la hadlaan haddii maslaxad la helayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay inay diyaar u yihiin inay la hadlaan Somaliland iyo cid walba oo wadahadallo doonaysa, balse wuxuu ka soo horjeedaan in Somaliland ay tahay maamul ka go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Kulanka labada madaxweyne dhexmaray ayaa wuxuu furmi doonaan berri oo Sabti ah, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya ay horay u sii raaceen markii ugu horreysay wariyeyaal Soomaaliyeed oo madax-bannaan si ay wararka shirka u soo tabiyaan.

Turkiga ayaa wuxuu galaan-gal weyn ku leeyahay Soomaaliya tan iyo markii ay abaartu ka dillaacday Soomaaliya muddo hadda laga joogo laba sano, markaasoo ra’iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu yimid Muqdisho si uu u arko xaaladda dadkii abaaraha kusoo barakacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya