4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Dowladda Burundi oo sheegtay in Ciidamadeedu ay sii Joogayaan Soomaaliya inta laga helayo Nabad buuxda (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Dowladda Burundi ayaa sheegay inay xoojinayso ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ayna sii joogayaan inta looga soo Soomaaliya oo dhan laga nabadeynayo, kaddib kulan xarunta dalkaas ee Bujumbura ku dhexmaray madaxweyne ku xigeenka dalkaas iyo wafdi uu horkacayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Burundi, Terence Sinunguruza ayaa u sheegay warfidiyeenka in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii ay u taageeri lahayd dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inay aad u og yihiin xanuunka ay leeyihiin dagaallada sokeeye.

"Soomaaliya iyo Burundi marxaladdo adag oo dagaalo sokeeye ah ayay soo mareen, laakiin waxaan ku faraxsanahay amniga kasoo ifaya Soomaaliya oo muddo dheer colaado ku jirtay; dhankeena waxaan ballan-qaadaynaa inaan sii wadi doonno taageerada ciidan inta laga nabadeynayo Soomaaliya oo dhan," ayuu Sinunguruza.

Dalka Burundi ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumammaan askari oo ka kala howgala Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood, waxaana ay ka mid ahaayeen ciidamadii ugu horreeyay ee yimaada Soomaaliya xilli ay dagaallo ka socdaan caasimadda iyo gobollada dalka qaarkood.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inay uga mahadceliyaan dowladda Burundi taageerada ciidan ee ay siiyeen Soomaaliya, isagoo sheegay in dal walba oo Soomaaliya caawiyay ay baal-dahab ah ku qori doonaan.

"Waxaan ku rajo weynahay inaan si dhaqso ah guud ahaan dalka u hananno, uguna soo dabaalno amniga iyo xasilooni waarta, si loo xaqiijiyo maamul wanaag iyo adeegga bulshada," ayuu Saacid u sheegay wariyeyaal uu kulanka kaddib la hadlay.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa ka codsaday dawladda Burundi in ay sii laban-laabto taageeradeeda ciidan ee ay Soomaaliya siisay, isagoo sheegay in sidoo kale ay la wadaagi doonaan madaxda Burundi habkii ay uga baxeen dagaalladii sokeeye ee dhibaatada badan dhaliyay.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya