4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Qofkii Dhul Dowladeed haysta hadda ha iska sii Isticmaalo; balse markii loo baahdo looma dhaafayo”


Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhulkii ay dowladdu lahayd wixii ka horreeyay 1991-kii ay weli yihiin dhul ay dowladdu leedahay, isagoo sheegay in markii ay dowladdu u baahato aysan cidna u dhaafay.

Khudbadda uu madaxweynuh ka jeediyay shirka ayuu kaga hadlay hantida la kala haysto, isagoo sheegay in inta muwaadin Soomaaliyeed la haysto hantidiisa uusan dalkan noqon doonin mid dega, balse loo baahan yahay in garsoorka la dajinayo uu noqdo mid kala saara labadaas qof.

“Inta muwaadin Soomaaliyeed hantidiisa la haysto, gurigiisa la haysto, beertiis la heysto, Soomaaliya ma dageyso, waa in laga shaqeeyaa sidii la isugu celin lahaa hantidaas la kala heysto,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in hantida la kala qaatay la isku celiyo oo qof walba uu helo wixii uu xaqa u lahaa ee uu haystay sharciga, wuxuuna ku daray inaas in wixii ka dambeeyay 26-kii Janaayo 1991-dii dhulkii dowladdua ay lahayd uu yahay dhul dowladeed oo dowladdu markii ay doonto ay dib ula soo laabanayso.

“Dhulkii dowladdu lahayd wixii ka horreeyay 1991-kii dowladda ayaa iska leh, qofka haysta ee ka dhigtay guriga, goobta shaqo ama garaashka waxaan leennahay hadda iska hayso, balse haddii ay dowladdu u baahato wa lagaa qaadayaa oo laguuma dhaafayo,” ayuu madaxweynuhu ku yiri hadalkii uu shirka ka jeediyay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku yaalla dhulal badan oo dowladdu lahayd oo dhismayaal ganacsi laga sameystay iyo kuwo kale oo deegaan laga dhigtay iyadoo dowladdu ay billowday inay dib uga kiciso goobahaas qaarkood dadkii deggenaa 22-kii sano ee colaaduhu ay jireen.

Ugu dambeyn; madaxweynuhu  wuxuu ha hadlay habka federaaliga ah iyo sidii dalka oo dhan lagu gaarsiin lahaa, isagoo sheegay in arrintu aysan taagnayn in federaalka la qaato iyo inaan la qaadan, balse loo baahan yahay in laga fikiro sidii loo hirgelin lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya