4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
AMSIOM oo sheegtay in ay Gobolka Shabeellada Hoose ku dileen Sarkaal sare oo ka Tirsanaa Al-shabaab iyo Ilaaladiisii

Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada Uganda ee ka midka ah AMISOM ayaa sheegay inay gobolka Shabeellada Hoose ku dileen sarkaal sare oo ka tiranaa Xarakada Al-shabaab, kaasoo la socda gaadiid ay leedahay Al-shabaab oo marayay deegaanno ka tirsan Shabeellada Hoose.

Maj. Henry Obbo oo ka tirsan xafiiska warfaafinta AMISOM ayaa sheegay in weerar qorsheysan ku dilaan sarkaalka ka tirsan Al-shabaab oo magaciisa uu ku sheegay Maxamed Abuu-Saciid.

Sarkaalka u hadlay AMISOM ayaa sheegay inay ku dileen Abuu-Siciid meel 70-KM Koonfur-galbeed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidoo kalena ay dileen ilaalo la socotay.

“Taliye sare oo Al-shabaab ka tirsan laguna magacaabo, Maxamed Abuu-Saciid iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaan ku dilnay weerar ay ciidammo ka tirsan AMISOM ku qaadeen deegaan uu si dhuumaaleysi ah ku marayay,” ayuu yiri Maj. Obbo.

Sidoo kale Maj. Obbo wuxuu intaas ku daray inay gacanta ku dhigeen hub, dareys ciidan iyo qalab isgaarsiineed oo ay wateen sarkaalkan iyo ilaaladii la socotay, inkastoo uusan sheegain ilaalada la socotay tiradooda.

“Hogaamiyahan geeriyooday wuxuu watay illaa 50 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab; waxayna ka howlgalayeen inta u dhexeysa gobolka Shabeellada Hoose iyo gobolka Bay, waxaan helnay xogo ku saabsan arrintooda waana ku guuleysannay inaan dilno,” ayuu Maj. Obbo hadalkiisa ku daray.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin sarkaalka ay sheegtay AMISOM inay ku dileen weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen, waxaase dhowr jeer oo hore ay saraakiisha ciidamada Midowga Afrika sheegeen inay weerarro noocan oo kale ay ku dileen saraakiil Al-shabaab ka tirsan.

Hadalka kasoo yeeray sarkaalka ka tirsan AMISOM ayaa kusoo beegmaya iyadoo Al-shabaab ay maalin ka hor sheegeen inay ku dileen siddeed askari oo isugu jira Somali iyo Afrikaan ku dileen weerarro ay ku qaadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya