Sabti, September 07, 2013 (HOL) — Iyadoo dhowaan qaar kamid ah shabakadaha wararka ee Soomaalidu ay Internetka ku baahiyeen, warar sheegaya in Saado Cali Warsame oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ay xilkaas iska casili doonto, ayaa waxaa arintaas ka jawaabey xildhibaanadda oo la hadashay qaar kamid ah war-baahitna maxalliga ah ee Puntalnd.
Xildhibaan Saado Cali ayaa sheegtay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin, islamarkaana ay baahiyeen dad ay ku tilmaantay warxumo tashiil jecel in ay mas'uuliyiinta dowladda ku been abuurtaan.
Dad aysan magacaabin oo ay sheegtay in ay xilalkooda gudan waayeen, kana xun yihiin firfircoonida iyo shaqada qaar ay iyadu kamid tahay ayey ku eedaysay in ay warkaas faafiyeen.
"Soomaalidu waxaas ayaa la yiri uun bay taqaan, waxa halkaas ina dhigeyna waa iyada. Xamar baan joogaa waajibgeyga qaran ayaanna gudanayaa. Qofka warkaas yiri waa mid shaqadiisii gabay oo dadka kale ee waajibkooda gudanaya kasoo horjeeda" xildhibaan Saado ayaa tiri iyadoo hadalkeeda raacisay: "qof wax uusan hubin ku hadlay anigana wax ima yeelin shacabkana wax yeelin, isag uun baa isyeelay".
Ugu dambeyntii waxay Saado Cali Warsame ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay gacamaha is qabsadaan, oo ay ka tanaasulaan qabyaaladda, meelna uga soow wada jeestaan cid kasta oo qarannimada iyo midnimadooda liddi ku ah.
Dadka reer Puntland oo ay xustay in ay yihiin kuwo mar walba u heellan sidii ay Soomaaliya mar kale ugu noqon lahay qaran jira, dadaal badanna ku bixiyey sidii dowladda xilligan jirta loo dhisi lahaa, ayey u dirtay baaq ah in howsha ay halkaas kasii wadaan, dadaalkoodana ay sii laba jibbaaraan.
Saado Cali Warsame oo kamid ah hobolladda ugu magaca dheer kuwa Soomaalida, waxay muddooyinkii u dambeeyey ka dhex muuqatey saaxada siyaasadda ee dalka, kaddib markii ay xubin ka noqotay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee la dhaariyey bishii August ee sanadkii 2012.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland
XILDHIBAANAD SAADO CALI: "Waa Been Wararka Sheegaya in aan doonayo inaan iska casilo Xubinnimadayda Baarlamaanka"
More News
- Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan oo ku baaqay in Cadaalad lagu saleeyo Dhismaha Maamulka Jubba (SAWIRRO)
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kalammo kala duwan la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jabuuti (SAWIRRO)
- Al-shabaab oo sheegatay Ma’suuliyadda laba Qarax oo ka dhacay Muqdisho kuwaasoo ay ku dhinteen dad u badan shacab
- Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia iyo AMISOM oo si adag u cambaareeyay Qaraxyadii Muqdisho ka dhacay
- Ururka dhallinyarada KANAVA oo Muqdisho ku xusay sannadguuradii 11-aad ee kasoo Wareegtay Aasaaskooda (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Shaaciyay in Qodobbada ka soo baxa Shirka Culummadu ay Dowladdu dhaqan-gelin doonto
- SHEEKH AXMED MADOOBE “Waxaan Muqdisho u imid dhameystiri Heshiiskii Addis Ababa iyo Xiridda Buuggii Jubboooyinka”
- Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sidda ee Puntland oo Xukunno ku ridday askar ka tirsan Ciidamada Badda Puntland
- Ciidamada AMISOM oo la wareegey sugidda Amniga guddoomiyaha gobolka Bay iyo Qabanqaabo Shir oo ka socda Baydhabo
- Wasiirka difaaca dalka Burundi oo si kaddis ah ku tagay degmada Baydhabo booqday fariisimo ku yaalla duleedka Degmadaas
- Guddoomiyaha Xisbiga dadka oo ka mid ah xisbiyada Siyaasadeed ee dalka oo sheegay in Soomaaliya ay ka jirto Hoggaan xumo
- In ka badan 15-qof oo ku dhintay Qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo goor-dhow ka dhacay barxad weyn oo ku dhowr Tiyaatarka Muqdisho (SAWIRRO)
- Wafdi ka kooban Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka KMG ee Jubba iyo odoyaal oo Maanta u Ambabaxay Muqdisho [SAWIRRO]
- Qodobbadii kasoo baxay Shirweynihii Qaran ee Geeddi-socodka Siyaasadda ee lagu soo Gabgabeeyay Magaalada Muqdisho
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Casho Sharaf u Sameeyey ka Ergooyinkii ka Qayb-galay Shirka Siyaasadda (SAWIRRO)
- Xildhibaanka Keith Ellison oo ku biiray Ololayaasha looga Horjeedo in la xiro Xawaaladaha Soomaalida (SAWIRRO)
- Shir looga Hadlayo Toosinta sida Qaldan ee loo Fahmay Diinta Islaamka oo Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho