Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Odayaasha Maraykanka oo ogolaaday Weerar lagu qaado Suuriya
Khamiis, September 5, 2013 (HOL)- Guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Odayaasha ee dalka Maraykanka (U.S. Senate), ayaa kulan ay shalay yeesheen cod ugu qaaday dalab uu horay ugu soo gudbiyey Madaxweyne Obama oo ahaa in tallaabo militari laga qaado maamulka Bashaar Al-asad ee Suuriya, kaddib markii lagu eedeeyey adeegsiga hubka kiimikada ee isticmaalkiisu uu mamnuuca yahay.
Guddiga oo cod u qaaday arrintan, ayaa kumeel mariyey aqlabiyad ay tiradeedu tahay 10 xubnood oo oggolaatay iyo 7 kale oo ka aamustay. Qaraarkan oo qabyo ah, ayaa dhigaya in la xaddido awoodda militeri ee loo adeegsanayo Suuriya; in aysan ka qayb qaadan ciidamada lugta ee Maraykanka iyo in muddada howl-galku aysan ka badan 90-maalmood.
Golaha Odayaasha Maraykna oo ka kooban 100-xubnood ayaa lagu wadaa in si dhameystiran toddobaadka soo socda ay arrintan cod ugu qaadaan. Horay waxaa u sheegy in weerar lagu qaado Suuriya ay taageerayaan 21-senetor; halka 13 ay sheegeen in ay kasoo hor-jeedsan doonaan; 66-da kalena aysan weli ka hadlin mowqifkooda arrintaas ku aadan.
Dhinaca kale, Ruushka oo ay xulufo yihiin Maamulka Suuriya ayaa si adag uga soo hor-jeestey weerar xilligan dalkaas lagu qaado, isagoo sheegay in ay sharci darro tahay in Suuriya lagu duulo iyadoo aan cadeymo sugan loo hayn eedeynta ah in ciidamada dalkaasi ay adeegsadeen hubka kiimikada.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo shalay kulan degdeg ah isugu yeeray xubnaha guddiga ammaanka qaranka ee dalkaas, ayaa sheegay in ay khalad tahay in Koongareeska Maraykanku ay meel mariyaan dalabka Obama ee ah in tallaabo militeri laga qaado maamulka Asad.
Wuxuu sidoo kale sheegay in aysan sharci ahayn in Suuriya la weeraro iyadoo aan ogolaansho rasmi ah laga haysan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Dalka Suuriya waxaa muddo labo sano iyo bar ku dhow, ka soconaya dagaallo uu dhiig badni ku daatay, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan boqol kun oo qof.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland
More News
- Al-shabaab oo sheegtay in Magaalada Muqdisho iyo degmada Balad-Xaawo ay xalay ka fulisay Qaraxyo is-daba-joog ah
- Baarlamaanka Kenya oo codeyn ku ogolaaday in Kenya ay joojiso Xiriirkii ay la lahayd Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC
- Xukuumadda Somaliland oo gobolka Sanaaag ka bedelaysa lacagta Shilinka Soomaaliga oo Gobolkaas laga isticmaalo
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Dublamaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale Maanta kula kulmay Madaxtooyada Soomaaliya (SAWIRRO)
- Shirkii Wada-tashiga Higsiga cusub (New Deal) oo lagu Ansixiyay Qorshaha lala Hortagayo Shirka Brussels (SAWIRRO)
- Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay xeerka Isgaarsiinta Qaranka, sheegayna in la badbaadinayo Xawaaladaha Dalka (SAWIRRO)
- Madaxweyne Xasan Shiikh iyo wafdi la socday oo Markab Dagaal kulan kula yeeshay Mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub (SAWIRRO)
- Hay'adda DBG oo gargaar kala duwan Maanta u qaybisay 500 oo qoys oo ku nool duleedka Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo Golaha Wakiillada kaga War-bixiyay Waxqabadkii Xukuumadda (SAWIRRO)
- Hoggaamiyaha Maamulka KMG-ka ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho
- Shirweynaha Qaranka oo Maalintii Afaraad galay iyadoo looga hadlay dhowr qodobbo oo Maaliyaddu ay ka mid tahay (SAWIRRO)
- Ciidammo Tababar lagu siinayay Warshaddii hore ee Nac-naca ee Muqdisho oo uga soo baxay xeradaas gadood awgiis
- Weerarro Qaraxyo ah oo xalay Muqdisho hareeyay iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo eedeeyay Xukuumadda