4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Jaamacadda SAVANNAH oo soo bandhigtay heshiis dhinaca Waxbarashada ah oo ay la gashay Jaamacada Jommo Kenyatta (SAWIRRO)


Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Xarunta Jaamacada SAVANNAH ee Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigay heshiis ay jaamacaddu la gashay jaamacadda Jommo Kenyatta oo ku taalla dalka Kenya, taasoo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, arday, ururada bulshada rayidka, madaxda haamacadda iyo marti sharaf kale.

Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay heshiis dhinaca waxbarashada ah oo ay wada galeen jaamacadda Savannah oo ka mid ah jaamacadaha ka jira dalka iyo jaamacadda Jommo Kenyatta ee dalka Kenya.

Waxaa munaasabadaas ka hadlay xubno kala gedisan oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha jaamacadda SAVANNAH, Prof. Maxamed Cabdiweli Sheekh Yuusuf isagoo faahfaahin ka bixiyay heshiiska ay wada-galeen jaamacadda Jommo Kenyatta.

“Heshiisku wuxuu dhigayaa in jaamacadda Jommo Kenyatta ay jaamacadda Savannah ka caawiso shahaadada Master degree si ardayda Soomaaliyeed loogu fududeeyo iyagoo dalkooda jooga inay Online-ka kaga qaadan karaan jaamacada Jommo Kenyatta shahaadada Master Degree-ga,” ayuu hadalka ku yiri guddoomiyaha jaamacadda SAVANNAH.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in heshiiskan ay faa’iido badan ugu jirto ardayda Soomaaliyeed ee dooneysa inay iyagoo dalkooda jooga ka qaataan shahaadada Masterka jaamacado dibadda ah oo aqoonsi buuxa ka haysta caalamka, isagoo xusay in ardayda qiime jaban lagu siin doono masterka.



Guddoomiyaha jaamacada SAVANNAH ayaa sheegay inay heshiisyo kuwan la mid ah ay la geli dooonaan jaamacadaha ku yaalla dalalka Geeska Afrika kuwasoo ku saabsan sidii ardayda Soomaaliyeed looga caawin lahaa inay helaan aqoon tayadeedu sarreyso, isagoo xusay in jaamacaddiisa ay ardayda Soomaaliyeed ka taageereyso sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho dibadda ah.

Dhanka kale, waxaa isna halkaas ka hadlay Mr. Tim oo ah madaxa qaybta Master-ka ee jaamacadda Jommo Kenyatta oo sheegay in jaamacaddiisa ay ku faraxsan tahay soona dhaweyneyso iskaashiga dhinaca waxbarashada ah ee ay la sameynayaan jaamacadda SAVANNAH, isagoo tilmaamay in ardayda Soomaaliyeed ee ay ka haqab-tiri doonaan sidii ay ku heli lahaayeen shahaado Master ah.

Ugu dambeyn, waxaa ka hadlay munaasabadaas Mr. Ottah oo ah madaxa luuqadaha jaamacadda SAVANNAH oo sheegay in ardayda Jaamacadda ay wax ku bari doonaan habka ugu fudud ee luuqadaha wax loogu barto, wuxuuna ballan-qaaday in ardayda jaamacadda ay heli doonaan waxbarasho ay u aayi doonaan mustaqbalka.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya