4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Caalamka Weydiistay in lagu Taageero hub ay kula dagaalamaan Xarakada Al-shabaab


Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la dagaalami karin Al-shabaab haddii aysan caalamka ka helin hub iyo qalab ciidan oo ku filan.

Fiqi ayaa sheegay in Al-shabaab ay saldhigyo waaweyn ku leedahay dalka Soomaaliya, weerarkii ay ku qaadeen rugta ganacsiga Westgate Mall uu yahay mid muujinaya in Al-shabaab ay khatar ku tahay caalamka oo dhan.

“Waxaan u baahannahay diyaarado dagaal iyo hub fudud, sidoo kale dunida waxaan ka doonaynaa maalgelin dheeraad ah,” ayuu wasiirku ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka NBC News.

Mudane Fiqi oo sii hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Waxaan doonaynaa inaan ka hortagno fikradaha Al-shabaab aana u jabinno ciidan ahaan… haddii hub aan helno waan ka guuleysan karnaa dhibaatadooda.”

Sidoo kale, wasiirka difaaca Soomaaliya wuxuu sheegay in caalamka ay hore uga heleen ballan-qaadyo ah inay hub siinayaan Soomaaliya, balse aysan ka helin weli hubkii ay ballanqaadeen.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa wareysigiisa ku sheegay inaysan awood u heli karin ciidamadooda inay iska difaacaan Al-shabaab haddii aan laga helin kaalmo muuqata dunida, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay awood u leedahay inay ka adkaato Al-shabaab haddii ay hub hesho.

“Dilalkii ay Al-shabaab u geysatay dadkii ku sugnaa xarunta Westage Mall wuxuu muujinayaa in Al-shabaab ay dadka shacabka ah laayaan… waana mid muujinaysa in Al-shabaab inaysan khatar ku ahayn Soomaaliya, balse ay khatar ku tahay caalamka oo dhan… waxaan doonaynaa inaan si wadajir ah uga hortagno Al-shabaab,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay Channel 4 TV oo saldhiggiisu yahay dalka Britain ayaa sheegay in Al-shabaab ay Soomaaliya kaga sugan tahay qaybo yar, halkaasoo ay tababaro ku qaataan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in tan iyo markii Somalia cunno-qabteynta hubka laga qaaday aysan jirin hub ay caalamka ka heshay, isagoo taas ku tilmaamay mid xagal-daaco ku keentay dagaalladii lagula jiray Al-shabaab.

Ciidamada Midowga Afrika oo tiradoodu tahay 7,500 oo askari ayaa waxay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo haatan dib u muujisay dagaalka ay kula jirto dalalka Afrika ee ay ciidamadu ay ka socdaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya