4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 30, 2013
Shirka Maamul u Sameynta Gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo si dar-dar leh uga socda Magaalada Baydhabo

Isniin, September 30, 2013 (HOL) — Shirka maamul u sameynta gobollada ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya ayaa si dar-dar leh uga socda magaalada Baydhabo ee xarunta  gobolka Bay, halkaasoo ay gaarayaan qaar ka mid ah ergooyinka gobollada maamulkan ku midoobaya.

Afhayeenka nabaddoonnada Digil iyo Mirifle, Cali C/raxmaan Shiine ayaa ka sheegay Baydhabo in ergooyinkii lixda gobol ee maamulka sameynsaya ay soo gaareen qaarkood magaalada, sidoo kalena la magacaabay nabadoonno ka shaqeeya sii socoshada shirka.

Dhawaan ayaa go’aan laga soo saaray shirkan waxaa lagu sheegay in la isku raacay in maamul gaar ah ay sameystaan lix gobo loo ay ka mid yihiin: Bay, Bakool, Jubbooyinka, Gedo iyo Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo xildhibaanno la socday oo dhawaan gaaray Baydhabo ayaa soo dhaweeyay go’aankaas waxayna sheegeen in go’aannadan aysan noqon kuwo halkooda looga tago, balse laga miro-dhaliyo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhanka kale ka dhaca xilliyada habeenkii ah iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasoo aan geysan khasaare, iyadoo dadka degmadaas ku nool ay sheegeen inay ka taagan yihiin qaati isku dhacyada ciidamada dowladda.

Dhanka kale, ciidanka AMISOM ayaa adkeeyay ammaanka guud ee degmada Baydhabo, iyadoo ay yaraadeen weerarradii ay Al-shabaab ka geysan jirtay gudaha degmadaas oo bilihii lasoo dhaafay ahaa kuwo isa soo tarayay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya