Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Xarunta Dr. Shahiid ee jaamacadda Banaadir oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu soo dhaweyayay boqolaal arday cusub ah oo ka mid noqotay ardayda wax ka barata jaamacadda, kaddib markii ay kusoo baxeen imtixaankii soo gelitaanka jaamacadda ee dhawaan la qaaday.
Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay ardaydii hore iyo kuwo cusub ee jaamacadda ku biiray, macallimiin, waaliddiin iyo maamulka jaamacadda Banaadir, waxaana xafladdaas kuwoo bandhigay jaamacadda ruwaayad ka turkumeysay muhimada waxbarashada iyo kaalinta ay jaamacada Banaadir kaga jirto sare u qaadidda aqoonta dalka wiilal iyo gabadho ka tirsan ardayda jaamacadda.
Jaaamacadda Banaadir ayaa waxaa imtixaankii qubuulka ee sannadkan isku diiwaan-geliyay 802 arday, hase ahaatee waxaa si rasmi ah imtixaanka ugu fariistay 784 arday, waxaana ku guuleystay 696 arday oo wixii hadda ka dambeeya si toos ah uga mid noqonaya ardayda wax ka barata kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Banaadir sida uu sheegay diiwaan hayaha guud ee jaamacadda Banaadir, Ismaaciil C/raxmaan.
Xafladan oo aheyd mid si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar.
“Waxaa farxad inoo ah inaan maanta xaflad soo dhaweyn ah u sameyno boqolaal arday oo ka mid noqonaya ardayda cusub ee jaamacadda sanad-dugsiyeedka 2013-2014,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaa ku daray inay kusoo aadday munaasabaddan sanad-guuradii 12-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay jaamacadda oo ku beegnayd bishan oo kale sannadkii 2002-da.
Dr. Dalmar ayaa intaas ku daray in jaamacadda lagu billaabay hal fasal oo kulliyadda caafimaadka ah kaasoo ay 22 arday dhiganeysay, iyadoo xilligaa deggenayd guri kiro ah oo ku yaalla degmada Howlwadaag.
“Maanta waxaa inoo suuro-galay isku-tashigii aasaayaasha iyo macalimiinta, waalidiinta iyo ardayda jaamacadda iyadoo haatan ay yihiin kulliyadaha ay ka kooban tahay jaamacadda siddeed, kuwaasoo ay wax ka bartaan 3,000 oo arday, waxaana horey uga qalin-jabiyay aqoonyahanno kala gedisan oo gaaraya700 oo ruux,” ayuu intaa ku daray guddoomiyaha.
Sidoo kale, Dr. Dalmar ayaa sheegay in sannadkan ay jaamacadda ka qelin-jebin doonaan illaa 100 arday oo wax ka barta kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Banaadir, isagoo xusay in jaamacaddu ay sii kodhin doonto dadaalkeeda ku aaddan kor u qaadidda aqoonta ardayda Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kale faahfaahin ka bixiyey kulliyadaha jaamacadaas oo uu xusay inay ugu weyn tahay midda caafimaadka ayna dhawaan soo kordhin doonaan kuliyad cusub oo lagu baran doono cilmiga dhulka iyo sidii loo saari lahaa macaadinta iyo kheyraadka kala duwan ee ku jira.
“Jaamacadda mudaddii ay soo jirtay nasiib-wanaag gurigii kirada ahaa way ka baxday waxayna deggen tahay kambaskan weyn oo inta ka dhisan ay gaareyso 10% marka loo fiiriyo dhulka uu ku fadhiyo oo ah hal KM oo isku wareeg ah, mana jirto cid ka taageertay oo aan ALLE ahayn marka laga reebo oo ardayda oo dakhliga yar ee kasoo xerooda oo wax looga tashiilay ayaa lagu dhisay. Hadda waxaa socda dhismaha isbitaalkii ardayda wax lagu bari lahaa,” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar oo xusay inay ballaarin doonaan xarumaha jaamacadda laguna kordhin doono Sheybaaro loogu talo-galay in ardayda caafimaadku ay wax ku bartaan.
Guddoomiyaha jaamacada Banaadir, Dr. Cabdirisaaq Axmed Dalmar ayaa u ballan-qaaday ardayda cusub ee kusoo biirtay jaamacadda inay heli doonaan tacliin tayo sare leh iyo soo dhaweyn wanaagsan; isagoo dhinaca kale kula dardaarmay ardayda inay ilaaliyaan nidaamka iyo shuruucda kala duwan ee u yaalla jaamacadda.
Ugu dambey, waxaa munaasabadda ka hadlay mas’uuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha mu’asasadda jaamacadda Banaadir, C/llaahi Sheekh Xuseen (Buskkuleeti) iyo ku-xigeenkiisa Dr. C/risaaq Xasan Cali oo ardayda cusub ku bogaadiyay hamiga ay u qabaan waxbarashada; iyagoo uga mahad-celiyay doorashada ay doorteen ardaydan inay wax ka bartaan jaamacadda Banaadir.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya