4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Kulan looga hadlay xoojinta Amaanka Gobolka Mudug oo Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolkaas
Axad, Sebtember 15, 2013 (HOL)- Kulan looga hadlayey sidii loo adkeyn lahaa ammaanka gobolka Mudug ayaa maanta ka dhacay magaala-madaxda gobolkaas ee Gaalkacayo.

Kulanka oo uu shir guddoominayey wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan - oo isagu maalmihii u dambeeyey Gaalkacayo ku sugnaa- waxaa sidoo kale kasoo qayb galay qaar kamid ah saraakiisha ugu sareysa laamaha ammaanka ee gobolka.

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland, kan degmada Gaalkacayo iyo qaar kamid ah waxgaradka iyo nabadoonnada gobolka ayaa iyaguna shirkaas ka qayb galay.

Shirka oo arrimo dhowr ah lagu gorfeeyey waxaa qodobbada ugu muhiimsan ee diiradda lagu saaray kamid ahaa: sidii xal looga gaari lahaa dilal salka ku haya aanooyin qabiil oo bilihii u dambeeyey ka dhacayey deegaanno ka tirsan Mudug iyo weliba sida ugu habboon ee ammaanka Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug looga dhigi lahaa mid sugan.

Wasiirka amniga Puntland oo kulanka kaddib war-baahinta la hadlay, ayaa sheegay in uu kormeer shaqo ku tegi doono deegaanno badan oo ka tirsan gobolka, si uu xaaladdooda dhanka ammaanka ugu kuur galo.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in dhowaan ay is arki doonaan madax ka tirsan maamulka Gal-Mudug, kuwaasoo ay ka wada arrinsan doonaan sida ugu habboon ee xal looga gaari karo dilalka ka dhex dhaca dadka reer guuraaga ah.

Bilihii u dambeeyey waxaa deegaanno ka tirsan miyiga gobolka Mudug lagu diley in ka badan 10 qof, kuwaas oo dhamaantood dilalkooda lala xiriirinayo aanooyin u dhexeeya reer-guuraa kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Gal-Mudug.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland