4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ee Muqdisho oo Maanta soo dhaweyn loogu sameeyay Fannaanada Hibo Nuura (SAWIRRO)


Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Fannaanada weyn ee Soomaaliyeed, Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuura) ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah oo weyn loogu sameeyay xarunta Rugta ganacsiga Soomaaliyeed, iyadoo kulan la qaadatay mas’uuliyiinta rugta.

Hibo Nuura ayaa muddo 23-sano oo dalka ka maqnay kaddib ayay kusoo laabatay Muqdisho toddobaadkii hore, iyadoo markii ay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay mar qura ilmeysay, waxayna tixo suugaaneed ku cabirtay jacaylka u qabto dalkeeda.

Kulanka dhexmaray Hibo Nuura iyo mas’uuliyiinta rugta ayaa wuxuu ahaa mid wadatashi iyo warbixin kala qaadasho ahaa, iyadoo kulanka uu goob-joog ka ahaa guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo xubnaha kale ee rugta.

Fannaanada Hibo Nuura ayaa kala hadashay maamulka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya, loo horumarin lahaa bulshada, dhaqanka, barashada luuqadda Soomaaliga iyo sidoo kale sare u qaadidda Suugaanta Soomaaliyeed taasoo kaalin mug leh kaga jirta kor u qaadidda ganacsiga iyo amniga dalka.

Ugu dambeyn, Hibo ayaa waxay ka warbixisay waayo aragnimadeeda ku aaddan dhaqanka Soomaalida iyo dhaqamada reer galbeedka oo ay muddo ku noolayd iyo sida la isku waafjin karo dhaqamada iyo ganacsiyada kala geddisan, iyadoo cabirtay dareenkeeda ku aaddan dowladnimada Somalia.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya