4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
Midowga Yurub oo rajo-weyn ka qaba in shirka Soomaaliya loogu qabanayo Brussels uu horseedi doono dib u dhiska Somalia


Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha ah ayaa lagu wadaa inay maalinta Isniinta ah ee soo socota ku saxiixaan magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium heshiis ku saabsan dib u dhiska Soomaaliya oo socon doona muddo saddex sano ah, iyadoo ay saraakiisha Midowga Yurub sheegeen in dib u dhiskaas ay ku bixi doonto in ka badan hal bilyan oo EURO.

Shirka Brussels ayaa rajeynayaa inuu fure u noqdo dib u soo celinta amniga Soomaaliya 22-sano oo colaado sokeeye iyo deggenaasho la’aan ka jirtay tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Nick Westcott oo ah sarkaal ka tirsan Midowga Yurub isla markaana ah mid qaalbsan arrimaha Afrika ayaa sheegay in shirka Isniinta furmaya uu yahay mid salka u dhigaya siyaasadda iyo dib u dhiska Soomaaliya.

“Waxaan billaabaynaa si aan u aragno 20-sano oo colaado ah kaddib dalka Soomaaliya oo u dhaqaaqay sidii uu dib ugu dhismi lahaa,” ayuu Westcott u sheegay wariyeyaal uu kula hadlayay xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

28-ka dal ee Midowga Yurub uu ka kooban yahay ayaa ah kuwa ugu badan ee gargaarka siiya Somalia iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dowladda Somalia ka caawinaya dagaallada ay kula jirto xoogagga Al-shabaab ee xukuumadda Soomaaliya ka horjeeda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo beesha calaamka ayaa lagu wadaa inay Isniinta saxiixaan heshiiska higsiga cusub (New Deal), iyadoo heshiiskan qodobbada uu diiradda saarayo ay ka mid yihiin amniga, siyaasadda, cadaaladda, dhaqaalaha iyo howlaha kale ee dowladda.

Deeq-bixiyeyaasha caalamka ayaa bixinaya dhaqaalaha dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya, iyadoo heshiiskan ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay mid ay rajeynayso inuu hagi doono deeqaha ay calaamka ka hesho.

Saraakiisha Midowga Yurub ma aysan sheegin dhaqaalaha la filayo shirkaas lagu ballanqaado, balse il wareed ka tirsan Midowga Yurub ayaa dhaqaalaha ay rajeynayaan in shirkan lagu ururiy uu yahay mid ka badan hal billion oo EURO oo lacagta Midowga Yurub ah.

Shirka Brussels ayaa waxaa ka qaybgalaya in ka badan 50 ergay, kuwaasoo ka kala socda dalalka Afrika, Mareykanka, Japan, Shiinaha, dalalka ku yaalla Khaliijka Carabta iyo sidoo kale kuwa Midowga Yurub.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay maalinta Isniinta ah ku biiri doontaa heshiiska CONTONOU, kaasoo ah heshiis ka dhexeeyay dalalka Afrika, kuwa Yurub iyo kuwa baasifigga loo yaqaan.

Midowga Yurub ayaa horay u ballanqaadday inay Soomaaliya siinayso lacag dhan 1.2 bilyan oo EURO inta u dhexeysa sanadaha 2008 illaa 2013. Iyadoo sidoo kale ka fulisay Soomaaliya mashaariic kala duwan oo ay ku xoojinayso ammaanka, kuwaasoo ay ka mid yihiin howlgalka la dagaalanka- burcad-badeedda iyo tababarrada la siinayo ciidamada milateriga Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya