3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2013
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Catherine Ashton oo si wadajir ah u soo saaray Qoraal Hordhac u ah shirka Brussels


Jimco, September 13, 2013 (HOL) — Qoraalka ay sida wadajirka ah u soo saareen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Catherin Ashton oo ka mid ah madaxda sare ee ururka Midowga Yurub ayay daah-fur uga dhigeen inaysan jirin cid dafiri karta in Soomaaliya meel fog ka timid.

Waxaa kaloo warbixinta lagu sheegay in isbedelladii waaweynaa ee dalku soo maray bilihii dhawaa ay yihiin kuwo muujinaya awoodda balanqaad ee ah in dalka laga saaro dagaalada sokeeye iyo saboolnimada, balanqaadkaas oo ay madaxda Soomaalidu ku doonayaan inay uga jawaabaan hiigsiga dadkooda ee mustabal wanaagsan  iyo in caalamku ku taageero tubtooda dib-u-dhiska iyo xasilinta dalka.

“Ololaha ciidan ee ay horseedka ka yihiin AMISOM, ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo ciidamada Soomaaliya ayaa waxay ka saareen Al-shabaab qaybo badan oo ka mid ah dalka. Weerarrada burcad-badeedka waxay hoos ugu dhaceen 93% labadi sano ee lasoo dhaafay, mana aysan jrin 2013-kii hal dhacdo ay ku guuleysateen burcadbadeedda,” ayaa qoraalkan lagu yiri.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay qoraalkan wadajirka ah in weerarrada argagixisadu ay weli halis weyn ku hayaan Soomaaliya ayna muuqato inay ku yihiin khatar , nabadgelyada iyo xasiloonida guud ee dalka. Laakiinse Soomaalida dibadaha ku nool ayaa dalka dib ugu noqonaya si ay gacan uga geystaan maalgashiga iyo dhisidda dowladda cusub. Midowga Yurub iyo kuwa kaleba way ku taagyeeraan howshan dib-u-dhiska si ay haya'daha cusub ee federaalku u sameeyaan dowlad federal ah oo doorashooyin ka hirgelisa dalka marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Si loo astaameeyo horumarka la gaaray loona taageero dadaallada dib-u-dhiska waxaanu ku martigelinaynaa shir Brussels 16/9/2013 si loogu daah-furo "Heshiiska cusub ee Soomaaliya". Dhacdadan waxay ansixin doontaa heshiis balan-qaad oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka si loogu gaaro si dhaqsi leh tubta nabadda iyo barwaaqada;  taasoo ku jaan go’an hannaanka "Heshiiska Cusub" ee lagu taageero dalalka nugul iyo kuwa ku sugan xaaladaha colaadaha kaddib.

Dhacdadu waxay soo bandhigi doontaa aragti siyaasadeed oo cad taasoo ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya, iyado mudnaan lakala siinayo horumarka la isku afgartay iyo in la sameeyo farsamooyin lagu maalgeliyo iyo weliba sidii loogu isticmaali lahaa deeqaha dibadda ka yimaada si wax-tar ah, waana habkaas midka lagu taageeri karo hannaan siyaasadeedka Soomaalida u dhexeeya ee ay kusoo af-jarayaan dastuurkooda kuna qeexaan dowladda federaalka ah ee ay doonayaan.

Iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo reer Yurub wuxuu gacan ka geystay sal-u-dhigidda horumarkan. Waqtiyadii dhibka badnaa ee Soomaaliya ay soo martay 20-kii sano ee lasoo dhaafay Midowga Yurub marna ma hakin kaalmooyinkii ay siin jireen. Markii macluusha ku habsatay dalka gargaarka bani'adannimo ee reer Yurub waa la jiraa. Markii argagixisanimadu ay halista geliyeen, Midowga Yurub iyo dalalka ay saaxiibka yihiin waxay taagyeero u fidiyeen ololaha AMISOM inay dib uga saarto waxayna keentay ergada Midowga Yurub ee tababbaridda oo ka taagyeereysa ciidamada Qaranka in ay soo ceshadaan wax galnimadooda.

Markii burca-badeeddu halis gelisay marinnada badda Soomaaliya ku xeeran gaar ahaan badweynta Hindiya, ciidamada badda Midowga Yurub waxay xakameeyeen burcaddii iyadoo ergada EUCAP NESTOR loo abuuray inay xoojiso nabadgelyada badaha. Mar walboo ay suuro-gal tahay fursad shaqo horumarineed ee waqtiga fog, sanduuqa horumarinta ee Midowga Yurub waa maalgelinaynaa.

“Weli, lama joogo meel lagu qanco, waxaanu u baahan-nahay inaan sii wadno dadaalka lagu sameynayo isbedelka. Halganka looga soo horjeedo Al-shabaab waa in la dhammaystiraa. Hiigsiga siyaasdeed waa in loo rogaa xaqiiqo sugan. Dalku wuxuu u baahan yahay hay'ado shaqeeya oo ay dadku aaminsan yihiin. Ku-xukantanka sharciga, nabadgelyada iyo maamul dhanka maaliyadda ah oo hufan. Dalalka deriska la ah Soomaaliya waa inay helaan damaanad ah in Somaaliya ay ahaan doonto xoog ka qayb qaata xasiloonida gobolka ee aysan qayb ka noqon xasillooni-darada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Iyadoo intaas la raaciyay waa inaan wax qabanaa hadda waana inaan wax ku qabanaa wadajir. Guushu waxay ku jirtaa iskaashiga Somalia iyo beesha caalamka ka dhexeeya, kaasoo ah mid dhab ah oo Soomaalidu ku qaadeyso xuquuda iyo waajibaadka dowlad madax-bannaan, kuna hananayso inay ku tallaabsato muqtaqbal ifaya. “Shirka Heshiiska Cusub ee Soomaaliya" wuxuu siinayaa Soomaalida fursad ay ku hanan karaan taagyeerada ay caalamka uga baahan yihiin iyo mustaqbalka ay mudan yihiin.

Qorayaashu waa: Katharine Ashton wakiilka sare ee arrimaha dibadda iyo siyaasadda nabadgelyada ahna ku-xigeenka madaxweynaha guddiga reer Yurub iyo Madaxweynaha soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuuud oo lagu wado inay wada-shir-guddoominayaan shirka looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya ee Isniinta soo socota ka furmaya xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/13/2013 10:18 AM EST
Jimco, September 13, 2013 (HOL) — Ururka xallinta iyo ka-hortaga khilaafka ee lagu magcaabo XAQSOOR ayaa billaabay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xallinta khilaaf u dhexeeya laba beelood oo wada-dega degmada Xuddun ee gobolka Sool.

9/13/2013 3:50 AM EST
Jimco, September 13, 2013 (HOL) — Shirweyne ka socda Baydhabo ayaa looga dhawaaqay Khamiistii shalay ahayd musharraxii ugu horreeyay ee isku soo sharraxay xilka madaxweynimo ee maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaasoo ah Dr. Aweys Sheekh Muxyadiin, iyadoo ay taageero u muujiyeen waxgarad iyo aqoonyahanno shirka ka qaybgalaya.

9/13/2013 3:30 AM EST
Jimco, September 13, 2013 (HOL) — Hay’adda xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay si xoog ah uga rartay tobannaan kun oo barkacayaal ah kaamam ay ku noolaayeen oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

9/13/2013 3:02 AM EST
Jimce, Sebtember 13, 2013 (HOL)- Iyadoo shalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose weerar is-miidaamin ahaa lagula beegsaday hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), ayaa waxaa arrintaas si aad ah u cambaareeyey mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland.