4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 13, 2013
Maamulka Puntland oo si adag u cambaareeyey Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo
Jimce, Sebtember 13, 2013 (HOL)- Iyadoo shalay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose weerar is-miidaamin ahaa lagula beegsaday hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), ayaa waxaa arrintaas si aad ah u cambaareeyey mas'uuliyiinta ugu sareysa maamulka Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay, in Puntland ay ka xuntahay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay Kismaayo ka dhacay, waxyar kaddib markii ay magaaladaas dib ugu laabteen wefdi uu horkacayo Sh. Axmed Madoobe oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa caasimadda dalka ee Muqdisho.

"Dowladda Puntland waxay si weyn u cambaaraynaysaa weerarkii isqarxinta ahaa oo lagu qaaday kolonyo gadiid ah oo galbinaysay Madaxweynaha  Jubaland Shiikh Axmed Maxamad Islam (Axmed Madobe) isagoo jooga magaalada Kismaayo" war-saxaafadeedla ayaa sidaas lagu sheegay.

Sidoo kale Puntland ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii qaraxaas ku geeriyoodey, iyadoo dhinaca kale caafimaad u rajeysey dadkii ay dhaawacydu kasoo gaareen.

"Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Maamulka iyo Shacabka Reer Jubaland iyo qoysaskii iyo ehelladii dadkii ku  waxyeeloobay weerarkaas waxshinimada ahaa oo ay mas’uul ka tahay kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab, waxaana weerarkaasi ku dhintay kuna dhaawacmay askar iyo shacab intaba"

Ugu dambeyntii, maamulka Puntland ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in laga gudbo wax kasta oo ammaanka iyo xasilloonida dalka caqabad ku ah, si xaaladda dalka looga dhigo mid deggen, dadkuna ay nabad iyo shiddo la'aan ugu noolaadaan.

Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaa ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey ku geeriyoodey 15 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 kale.

Mas'uuliyadda weerarkaas waxaa sheegtay ururka Al-shabaab, iyagoo sidoo kale sheegay in bar-tilmaameedku uu ahaa hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ah ee Jubba Sh. Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
puntland, Soomaaliya