4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Tababar ku Saabsan sida Haweenku ay isaga Difaaci karaan Kufsiga oo lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Tababar ku saabsanaa sida ay haweenku isaga difaaci karaan kursiga oo maanta lagu soo gabagabeeyay xarunta AMISOM ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka faa’iideysteen 20 haween ah oo ka kala socday gobollada Shabeellada Hoose, Banaadir iyo Shabeellada dhexe.

Qabashada tababarkan oo qaban-qaabadiisa iska kaashaday wasaaradda horumarinta adeegga bulshada iyo xafiiska Jinsiga ee AMISOM ayaa lagu sheegay inuu yahay mid lagu dhisayo awoodda dumarka, iyadoo haweenkii tababarka qaatay ay sheegeen inay ka faa’iideen xeelado la isaga difaaci karo ragga oo aanay horay u aqoon.

Haweenkan ayaa la baray sida la isaga difaaco haddii uu nin damcno inuu u geysto kufsi, iyadoo ay tababarka casharro ka bixinayeen haween iyo rag ka tirsan ciidamada AMISOM ee howgalka u jooga dalka Soomaaliya.

“Tababarku wuxuu ahaa mid lagu dhisayay awoodda dumarka Soomaaliyeed si ay isaga difaacaan kuwa doonaya inay kufsadaan, iyadoo haweenka ka faa’iideystay tababarka lagu wargeliyay inay mid walba barto tababarka ay qaadatay 20 haween ah oo Soomaaliyeed,” ayay tiri madaxa xafiiska jinsiga ee AMISOM, Mane Axmed oo ka hadlaysay xirtaanka tababarka. Iyadoo ku dartay hadalkeeda in haweenka la tababaray loogu talogalay inay noqdaan tababarayaal.

Wasiiradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed oo furitaankii tababarkan hadal dheer ka jeedisay ayaa aad u soo dhaweysay in haweenka Soomaaliyeed ay markii ugu horreysay bartaan sida la isaga difaaco kuwa doonaya inay kufsiga u geystaan.

“Runtii tababarkan waa mid qiimo weyn ugu fadhiya wasaarada iyo dumarka Soomaaliyeed oo dhan, waayo waa xifad ay isaga difaacayaan kuwa aan ka xishoonayn dhibaateynta haweenka, waana mid aan aad ugu farxay markii aan maqlay,” ayay tiri Maryan Qaasim.

Tababarkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa wuxuu qayb weyn ka yahay olole uu wado xafiiska jinsiga ee AMISOM, kaasoo lagu doonayo in haweenka ay karti iyo awood u yeeshaan inay ka hortagaan kuwa kufsiga u geysanaya iyo in bulshada Soomaaliyeed laga dhaadhiciyo inaan haweenka la dhibaateyn.

Waa markii ugu horreysay oo tababar noocan oo kale ah ay qaataan qaataan haweenka Soomaaliyeed, waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo maalmahan soo badanayeen hadallada ku saabsan in haweenka Soomaaliyeed ay weli la kulmaan kufsi baahsan oo ay u geysanayaan kooxo hubeysan oo qaarkood ay xiran yihiin dharka ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, labaatankii haweenka ahaa ee tababarka qaatay ayaa kusoo bandhigay Soomaali fara badan iyo saraakiisha AMISOM hortooda tababarkii ay qaateen taasoo ay aad ugu riyaaqeen dadkii xirtaanka tababarkan goob-joogga ka ahaa.

Xafiiska jinsiga (Gender-ka) ee AMSIOM oo la aasaasay sannadkii 2009 ayaa wuxuu dadaal weyn ugu jiraa dhisidda wacyiga haweenka Soomaaliyeed si ay qayb uga noqdaan siyaasadda dalka, go’aan gaarista iyo inay helaan mid la mid ah xuquuqaadka ay raggu ka helaan hay’adaha dowladda.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya