4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Weerar ay ku geeriyoodeen Cumar Shafiiq Xamami iyo laba qof oo midkood uu Ajnabi ahaa oo ka dhacay Gobolka Gedo


Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Weerar la sheegay inuu ku dhintay Cumar Shafiiq Xamaami oo ah hoggaamiye horay uga tirsanaa Al-shabaab iyo laba ruux oo kale oo mid uu ahaa ruux ajnbi ah oo dhalashadiisu ay ahayd Baakistaan ayaa lagu dilay deegaan 30-km bari kaga beegan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararkan ayaa waxay sheegayaan in labada hoggaamiye ee lala dilay Abuu-Mansuur Al-Amriiki - oo dhawaan sheegay inu ka baxay Al-shabaab - ay kala ahaayeen, Usama Al-bardaani oo haystay dhalashada dalka Britain balse ka soo jeeday dalka Baakistan iyo hoggaamiye Soomaali ah oo magaciisa lagu soo koobay Carrafaat.

Ilo wareedyo ka madax-bannaan Al-shabaab ayaa sheegaya in xoogag aad u hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay saakay ku weerareen deegaankaas, ayna toogteen iska-hor-imaad muddo socday kaddib.

Abuu-Masnuur ayaa mar sii horeysey waxaa isaga iyo hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane soo kala dhexgalay khilaaf salka ku hayey siyaasadda lagu hagayo Al-shabaab, waxaana dhowr jeer oo hore uu ka badbaaday isku dayo la doonayay in lagu khaarijiyo.

Inkatsoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin dilkan, ayaa haddana wararka la helayo waxay sheegayaan in saddexda ruux lagu aasay deegaan ku dhow degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Lamana oga khasaaraha kale ee ka dhashay iska-hor-imaadka lagu diley Al-amriiki iyo hoggaamiyeyaasha ay wada socdeen.

Dilka Abuu-Mansuur Al-Amriiki ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo toddobaadkii hore ay dowladda Mareykanku sheegtay inay weli raadinayso xogta Cumar Xamaami oo dalkeeda kasoo jeeda, kaasoo sheegay inuu dhuumaaleysi ku joogo gudaha Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa horay u dilay laba hoggaamiye oo Al-shabaab ka tirsanaa, kaddib iska-hor-imaadyo ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaasoo midkood uu ahaa kuwii uu Mareykanku horay u dul-dhigay lacagta faraha badan si xog-tooda loo helo.

Wixii warar ah ee arrinta kasoo kordha waxaad kula socon doontaan wararka soo socda haddii Alle Idmo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya