4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Shirweynihii looga hadlayay Xagjirnimada oo laga soo saaray Fatwo diini ah oo ka digaysay taageeridda Al-shabaab (SAWIRRO)


Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayay xagjirnimada iyo ku talax-tagga diinta islaamka oo shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa laga soo saaray fadwo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo looga digay dadka Soomaaliyeed inay ku biiraan ama ay caawiyaan.

Shirweynahan oo ay soo qabanqaabisay dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu ka socday Muqdisho 07-dii illaa 11-kii bishan, iyadoo qodobbadii laga soo saaray ayaa waxaa ku jiray in dagaalka lagula jiro Al-shabaab hal meel looga soo wada-jeesto.

Fatwada Culumada:

  1. Kooxda Al-shabaab waa koox baadiyeysan una taagan inay bulshada Soomaaliyeed baadiyayso, manhajka ay faafinayaanna waa mid khatar ku ah diinta Islaamka iyo jiritaanka bulshada muslimka ah.
  2. Dawladda Soomaaliyeed waa dawlad muslim ah oo aysan banaanayn in la gaalaysiiyo ama lala dagaalamo.
  3. Kooxda xag-jirka ah ee Al-shabaab waxaa ku waajib ah inay Alle uga tawbad keenaan fekerkooda qalloocan iyo falal-dambiyeedyadooda foosha xun.
  4. Ma bannaana in lagu biiro kooxda Al-shabab ama loo fidiyo taageero nooceey doonto ha ahaatee.
  5. Waxaa xaaraan ah in la qariyo xubnaha Al-shabaab, waana waajib diini ah in xubnaha Al-shabaab loo gacan geliyo hay’adaha ammaanka ee dawladda Soomaaliyeed ee ku shaqada leh.
  6. Waxaa xaaraan ah in loo ergeeyo ama laga shaqeeyo sii xabsiyada looga sii dayn lahaa eedeysanayaasha Al-shabaab ee ku jira gacanta hay’adaha ammaanka ee dowladda.
  7. Waxaa waajib ku ah madaxda dowladda inay shacabka Soomaaliyeed ka badbaadiyaan dhibaatada Al-shabaab, muwaadiniintana waxaa waajib ku ah inay dowladda ku gacan siiyaan hawlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab talooyinka shirweynaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ka qayb-galay xirtaankii shirkan ayaa sheegay in dowladdu ay muddo ku wareersanayd dhibaatada xagjirnimada, balse ay maanta dawadeedii heleen.

“Muddo ayaan ku wareersanayn mushkiladda xagjirnimada iyo la dagaalanka Al-shabaab, waan ku faraxsan nahay jawaabaha waafiga ah ee loo helay mixnaddan. Dowladdu ma diidayso in fikradaha lagu kala duwanaado ee waxay diidan tahay is-qarxinta iyo qalqal-galinta nabdgalyada. Qodobbada kasoo baxay shirkan waan soo dhaweyneynaa, waxaan ballan-qaadayaa in aan ku dhaqmi doono bayaanka aad soo saarteen. Berri ayaan uga hadlaynaa shirka golaha wasiirradda. Xagjirnimadu waxay caqabad ku tahay hiigsigeenna, laakiin nasiib-wanaag taladiinu waxay timi xilligii loo baahnaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo isaguuna hadlay ayaa sheegay in meel looga soo wada-jeensto fikirka Al-shabaab, isagoo ku tilmaamay in manhajka khaldan ee Al-shabaab  uu baal-marsan yahay shareecada iyo qiyamka Islaamka.

“Waa in mishkiladdan iskaashi buuxa ay ka sameeyaan bulshada Soomaalida oo dhan, waana arrinka keliya ee lagu daaweyn karo. Dhibaatadaan waxay timid kaddib markii la dayacay diinta, daawaduna waxay ku jirtaa in la toobad keeno Ilaahayna loo noqdo,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Shirkan ayaa waxaa horraantii toddobaadkan magaalada Muqdisho ka furay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh isagoo xilligaas sheegay inay meel-marin doonaan qodobbada kasoo baxa shirkan oo uu ku tilmaamay mid qiimo gaar ah ugu fadhiya dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya