Shirweynaha maamul u sameynta gbollada Koofurta iyo Galbeedka Somalia oo Maanta ka furmay Magaalada Baydhabo
Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka furmay maanta shir-weyne lagu dhisayo maamul goboleed. Shirka ayaa ka furmay xaruntii hore ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku lahaa Baydhabo.
Maamul-gobeelka shirkan lagu dhisayo waxaa loogu magac daray maamul-goboleedka konfur-galbeed Soomaaliya. Waxgarad, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada maamulka loo sameynayo ayaana kasoo qayb galay.
Ergooyinka shirkan ka qayb gelayaa waxay ka kala yimaadeen gudaha dalka iyo dibaddiisa sidoo kale waxay ka yimaadeen gobollada Shabeelada Hoose, Jubada Hoose, Bay iyo Bakool. Iyadoo la sugayo ergooyinkii ka imaanayay gobollada Gedo iyo Jubbada Dhexe.
Furitaankii shirka waxaa ka hadlay guddooomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow isagoo soo dhaweeyay ergooyinka soo gaaray Baydhabo ee ka qaybgalaya shirka, sheegeyna in amniga degmada Baydhabo la xasilin doono, shir-weynahuna uu u socan doono sidii looga talo-galey.
Sidoo kale, waxaa ka hadlay shrka guddoomiyaha haweenka, Xaawo Sonkorey iyo nabadoonnada gobalka Bay qarkood, iyagoo ugu baaqay ergooyinka soo socda in ay sida ugu dhaqsi badan u yimaadaan, inkastoo xildhibaanada kasoo jeeda deegannadaasi aysan weli magaalada Baydhabo soo gaarin.
Waxaa kaloo maanta ka hadley furitaanka shirka wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdullaahi Xaaji Xasan Mad-nuur, isagoo xusay in shirkani uu yahay mid lagu dhisi doono maamul gobaleed rasmi ah oo ay heshiis ku yihiin dhammaan goballada Koonfurta Soomaaliya.
Dhanka kale, wararka qaar ayaa sheegaya in wasiirkii hore ee arrimaha dibadda uu yahay musharrax u tartami doono xilka madaxweynimo ee maamulka lagu sameynayo shirka ka furmay magaalada Baydhabo.
Hiiraan Online, Baydhabo
More News
- Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyay shirka looga hadlayo ka hortagga Burcad-badeeda (SAWIRRO)
- Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Dalka dib ugu soo laabtay kana Warbixiyey Safarradiisii Dibadda (SAWIRRO)
- Shirkadda Diyaaradaha Ethiopian Airlines oo Joojisay Duullimaadyadii ay ku tegi jirtay Somaliland iyo dad badan oo xayiran
- Mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan iyo saraakiil AMISOM ka tirsan oo Kormeer ku sameeyay Waddo laga dhisayo Beledweyne (SAWIRRO)
- Xarakada Al-shabaab oo degmada Buulo-burte ku toogtay dhallinyaro ay ku kala Eedeeyeen basaasnimo iyo Tuugo
- Ciidamada Maamulka KMG-ka ah ee Jubba oo dad badan ku soo Qab-qabtay Howlgallo ay ka Sameeyeen Kismaayo
- Saraakiishii ugu Horeeyay oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo dhawaan uu Tababar uga furmayo Dalka Turkiga
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu Horkacayo oo ku sugan Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta (SAWIRRO)
- Kulan lagu soo dhaweynayay Dan-jiraha cusub ee Somalia ay u magacowaday Midowga Yurub oo ka dhacay Brussels (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Dastuurka dib u eegis lagu sameynayo