4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2013
Golaha wakiillada Somaliland oo ka doodaya Miisaaniyad Sanadeedka 2014-ka oo ay Wasaaradda Maaliyaddu u soo Hudbisay

Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta guddo galay doodda miisaaniyadda Qaranka ee wasaaradda maaliyaddu usoo gudbisay toddobaadkan.

Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Md. Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-xaashi, ayaa Golaha ka akhriyay warbixin dheer oo la xidhiidha daraasado kala duwan iyo qiimayn guud oo ay ku sameeyeen ujeedooyinkii iyo siyaasaddii ay xambaarsanayd odoroska miisaaniyad sanadeedka 2014-ka.

Guddidan ayaa sheegay inay miisaaniyad sanadeed 2014-ku dhantahay 1,276,033,716000 SLSHoo u dhiganta dollar ahaan $212,672,286, taas oo ka badan miisaaniyadii sanadkii hore 2013-ka.

Miisaaniyadan ayaa waxa ka dhex muuqda korodh mushaharo shaqalaha iyo ciidanamadda oo ah 20%, korodhka gunnadda agaasimayaasha guud oo noqonaysa 3000,000SLSH qofkii ba bishiiba iyo agaasime waxeedyadda ay u kordhaysa 600,000SLSH qofkiiba,waxaa sidoo kale ka dhex muuqda kharashka loogu talo galay diwaangalinta codbixiyeyaasha oo dhan 6,000,000,000SLSH. Waxaa sidoo kale xusid mudan kharashka ku kordhaaya darajadda ciidanka oo dhan 23,244,904,000SLSH.

Sidoo kale guddidu waxay soo jeedisay in hay’adaha dawlada ee aan sharciga lahayn si deg deg ah loo horkeeno galaha si go’aamo looga gaadho sharciyadoodii.

Hay’adahaas aan sharciga lahayn ee miisaaniyada ku jirta waxa ka mid

1. Garyaqaanka guud,  2. Gudida dib u habaynta shuruucda, 3. Ict commission, 4. Hay’adda xidhiidhkaka raashinka qaranka, 5. Hay’adda qurbo jooga,6. Hay’adda dhawrista tayadda,7. TV qaranka, 8. Gudida diwaan galinta ururradda oo wakhtigoodii gababsi yahay, iyo 9. Gididda barista xasuuqa qaran.

Doodda miisaaniyada ayaa dhawrka maalmood ee soo socda xildhibaanadu ka doodi doonaan, kuwaas oo ansixin doona ama diidi doono.Inkastoo xildhibaanadu u badan yihiin muxaafad kuwaas oo la filayo inay duuduub ku ansixiyaan.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland