4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2013
Sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay geeriddii Abwaan Gaariye oo Xalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa (SAWIRRO)


Arbaco, Oktoobar 09, 2013 (HOL) — Munaasibad balaadhan oo loogu baroor diiqayo sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay geeridii Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo ahaa aqoonyahan ku weyn qalbiyadda umadda Soomaaliyeed, ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

Xafladan waxa lagu soo bandhigay laba buug oo kala ah mid ay ku qoranyihiin suugaantiisa oo la yidhaa Hagarlaawe oo uu Abwaanku qoray iyo Buug kale oo lagu soo ururiyey maansooyinkii iyo qoraaladii laga qoray geeridiisii oo loo bixiyey Ilmaddii Hal-buurka oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale, kuwaas oo dadweynihii ka soo qaybgalay iibsanayeen.

Xuskan loo sameeyey Abwaan Gaariye, ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee Hay’ada shaqaalaha oo ay buux dhaafiyeen boqolaal dhalinyaro ah oo xiisaynayey suugaantii abwaanka, waxaana ka soo qaybgalay saddexda xisbiga Qaran, wasiirka waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan, wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi, afartii hablood ee uu marxuumku ka tagay, Abwaanno, aqoonyahano iyo dhalinyaraddii uu waxbaray iyo kuwii ay wax soo wada barteen.

Dhamaan dadkii madasha ka hadlay ayaa si weyn oo qoto dheer uga hadlay taariikhdii iyo hal adaygii abwaan Gaariye caanka ku ahaa, waxaanay xuseen inuu ahaa abwaan aan lacag ku bedelin waxa uu aaminsan yahay, isla markaana aan qof bani’aadam ah ku xeerin darajada uu haysto balse ka hadla aragtiisa oo uu inta badan kaga hadli jiray dulmiga.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi ayaa sheegay inay isku fasal ahaayeen, isla markaana muddo dheer nolosha soo wada wadaageen ilaa yaraantooddii, waxaanu sheegay inuu ahaa abwaan aan la baqan aragtidiisa uu qabo, isla markaana dhibaato badan ku mutaystay aragtiisa.

Si kastaba ha ahaaatee, Marxuum Macalin Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, ayaa tacab badan gashaday dhallinyarada jaamacadaha dalka, waxaanu labaatankii sannadood ee u dambeeyey macalin ka ahaa jaamacaddaha Camuud iyo Hargeysa oo uu laba maaddo ka dhigi jiray maaddo Saynis ah iyo maadada Suugaanta,kaas oo dhalinyarada jeclaysiiyey af soomaaliga, waxaanu mar walba dhalinyarada ku boorin jiray inay ku faanaan afkooga hooyo, isla markaana jeclaadaan suugaantoodda, isagoo inta badan barbar dhigi jiray suugaanta Carabiga iyo Ingiriisigaa,isla markaana tilmaami jiray inay ka hodansantahay suugaanta Soomaalidu, taasina waxay dhalinyarada jeclaysiin jirtay suugaantoodda.

Macalin Gaariye oo sanad ka soo wareegtay geeridiisa ayaan illaa hadda la buuxin jagadii uu ka hayey jaamacadaha dalka, isla markaana ay ardaydu wali tabayaan xiisaddii suugaanta ee abwaanku baneeyey oo ay adagtahay in Gaariye oo kale la helo.

Allaha u naxariisto Abwaan Gaariye ayaa qofkii uu waxbaray ama maalin galay xiisad uu dhigayo aanu marnaba qalbigiisa ka guureen xusuustiisa hawlkarnimadii iyo qaabkii wanaaagsanaa ee uu u gudbin jiray casharada uu ardayda siin jiray, sidoo kale waxa uu ahaa macalin la saaxiib ah ardaydiisa, isla markaana la kaftama, taasina waxay keentay inay ardaydu si weyn u xiiseeyaan taariikhda iyo noloshii adkayd ee uu u soo maray bulshadda uu ka dhashay ee soomaalidda, iyagoo doonaya inuu tusaale (Role Modal ) u noqdo oo ay ku daydaan dhaqankaasi wanaagsan Abwaan Gaariye lahaa.

Waxaana toddobaadkii u dambeeyey baraha internerka ee bulshaddu ku sheekaysato laga dareemayey dhalinyarada oo suugaantiisa ku baahinayey, isla markaana weedhihii dhaxal galka ahaa ee laga reebay ku faafinayeen baraha internetka ee dhalinyaraddu ku wada Haasowdo.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland