4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 9 , 2013
Weerar Bambaano oo Xalay lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Marka ee G. Shabeellada Hoose

Arbaco, October 09, 2013(HOL) :- Weerar loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa xalay lagu qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarradan ayaa lagu qaaday saldhigga dhexe ee degmada Marka halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, waxaana ilaa imika la ogayn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarradaasi.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Marka ayaa HOL u sheegay in laba bambaano oo nooca gacanta ah lagu tuuray saldhigga dhexe ee degmada Marka.

Ciidamada dowladda ayaa weerarka ka dib waxa ay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha ku dhow dhow halkaasi, waxaana howlgalladaasi ay kusoo qabqabteen dad looga shakisanyahay in ay ka danbeeyeen weerarradaasi.

Ma jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka oo faahfaahin ka bixiyay weerarradii xalay iyo weliba qasaarooyinka ka dhashay.

Dhinaca kale xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerarro xooggan ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanada Janaale iyo Shalaanbood ee gobolka shabeelaha Hoose.

Dagaalladan oo ahaa kuwo xooggan ayay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana saraakiil u kala hadashay labada dhinac ay guulo ka sheegteen dagaalladaasi.

Xoogagga Al-shabaab ayaa aalaaba weerarro caynkan oo kale ah ka fuliya saldhigyada ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin gobollada ay maamulaan ee koonfurta Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.