4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 8 , 2013
FOWZIYO YUUSUF: “Waan soo Dhaweyneynaa Weerarkii uu Mareykanku ku beegsaday Saraakiisha Ururka Al-shabaab”

Talaado, Oktoobar 08, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo wareysi siinaysay telefishinka CNN-ka iyadoo ku sugan magaalada London ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan weerar uu Mareykanku maalmo ka hor ku qaaday guri ku yaalla xeebta Baraawe oo ay ku sugnaayeen xubno Al-shabaab ka tirsan.

Fowziyo ayaa wareysigan gaarka ah ay ku sheegtay in Mareyknaka uusan u baahnayn inuu dowladda Soomaaliya weydiisto ogolaasho weerarrada kale ee ay la beegsanayaan Al-shabaabta Soomaaliya ku sugan.

“Waan soo dhaweynaynaa weerarkii Mareykanka uu ku beegsaday kooxda Al-shabaab, waana tallaabo aan u aragno in innaga nalagu caawinayo,” ayay tiri wasiiradda oo intaas ku dartay. “Waxaan leennahay wadashaqeyn, umana baahna inay ogolaasho na weydiistaan, waayo waxaan dagaal kula jirnaa cadow guud.”

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin howsha taageerada ah ee Mareykanka, iyadoo sheegtay in dallaka kale ee gobolka looga baahan yahay inay iyaguna ka qaybqaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa toddobaadkan billowgiisii weerar ku qaaday guri ku yaalla xeebta degmada Baraawe, inkastoo weerarkaas uu noqday mid fashilmay oo aan hadafkii laga lahaa laga gaarin.

“Weerarka Mareykanka laguma beegsan oo keliya Al-shabaab ee waxaa lagu beegsaday sidoo kale kooxda Al-Qaacida oo dhibaato weyn ku haysa dunida oo dhan,” ayay wasiiraddu hadalkeeda ku dartay.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhawaan sheegatay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday rugta ganacsiga ee Westgate Mall, halkaasoo kooxihii weeraray ay ku hayeen gacanta muddo afar maalmood ah, waxaana ku dhintay 67-qof.

“Dhab ahaan Al-shabaab waxay ka talin jirtay inta badan dalka oo Muqdisho ay ku jirto, balse hadda waxay ku harsan yihiin meelo yar-yar oo ay ka mid tahay degmada xeebta leh ee Baraawe,” ayay wasiiraddu wareysigeeda ku sheegtay.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay in Al-shabaab ay dhibaatooyin ku hayeen dadka Soomaaliyeed, balse ay ka dulqaadeen dad badan oo ay dhibaato ku hayeen, iyadoo sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay dhukla dhinnaca dhulka u dhigto Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya